Dagaal culus ayaa xalay degmada Luuq ee gobolka Gedo ku dhexmaray ciidamo kala taageersan dowladda KMG iyo Ahlu-Sunna Wal-Jameeca oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-Shabaab, kaasoo u muuqday in uu markii hore ku bilawday madaafiic.
Iska hor-imaadku wuxuu yimid mar xooggaga Al-Shabaab ay soo weerareen fariisimaha ay magaalada Luuq ku leeyihiin ciidanka Isbaheysiga, markiiba labada dhinac way iska horyimaadeen si fool ka fool ah, hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la isku adeegsaday, khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa kala gaaray labada ciidan, laakiin lama hayo tiro sax ah.
Dadka shacabka way yareyd waxyeelada uu dagaalku soo gaarsiiyey sababtuna waxay tahay iyadoo uu dhacay xilli habeen ah oo ay dadku jiifeen.
Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu-Muscab wuxuu u sheegay warbaahinta in ay iyagu weerarka qaadeen, si daranna u dhaawaceen goobaha ay dowladda joogeen, askarna ka dileen sida uu warka u dhigay.
Laakiin sheegashadaas waxaa beeniyey afhayeenka ururka Ahlu-Sunna Wal-Jameeca ee gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi oo xusay in ay ka hortageen isku day magaalada looga qabsan rabay, isagoo intaas ku daray in meydad badan ay gudaha Luuq uga carareen Al-Shabaab sida uu warka u dhigay.
Maalmahanba sidii ay kooxaha huwanta ah Luuq ula wareegeen waxaa soo kordhayey weerarada gaadmada ah iyo dagaalada noocaan oo kale ah oo ay caan ku yihiin Al-Shabaab oo looga bartay weerar ku dhufoo ka dhaqaaq ah marka meel laga qabsado.
http://www.gedoweb.com/modules.php?name ... cle&sid=65
Dagaal ka dhacay Luuq
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20702
- Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am
Re: Dagaal ka dhacay Luuq
So who won the fight Bare Qoji or Bare hiraale




-
- SomaliNet Super
- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
Re: Dagaal ka dhacay Luuq
The results will bear fruit sooner or later.The_Patriot wrote:So who won the fight Bare Qoji or Bare hiraale![]()
![]()
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 7 Replies
- 1481 Views
-
Last post by DropkickMurphy
-
- 0 Replies
- 412 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 1 Replies
- 581 Views
-
Last post by LooxJiid
-
- 5 Replies
- 577 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 39 Replies
- 2821 Views
-
Last post by udun
-
- 5 Replies
- 1201 Views
-
Last post by 1nemansquad
-
- 5 Replies
- 1057 Views
-
Last post by MJ-Pride
-
- 91 Replies
- 4344 Views
-
Last post by zingii
-
- 3 Replies
- 799 Views
-
Last post by Hotguyy
-
- 1 Replies
- 844 Views
-
Last post by Queen_Arawello