
Basaboorka cusub ee loo yaqaano( E.PASSPORT) oo lasoo saaray wakhtigi dowladii Madaxweyne C\laahi Yusuf Axmed ayaa markii ugu horaysay bishan gudeheedda laga bilaybay bixintiisa dalka Sudan tan iyo intii la soosaray.
Qunsulka safaaradda Ibraahim Guure Axmed mar uu saxaafadda lahadlayay su,aalo laga weydiiyey, sababta keentay baasaboorkan in la bixiyo kii horena loojoojiyo, ayaa waxa uu ku jawabay;
”…..baasaboorkan waa baasaboor aduunka la socon kara kii horese faruhuu kabaxay caalamkanna lama soconkaro cabashadiisuna waa nagu badatay, saas daraadeed wexey dowladu go,aan ku gaartay in la ciribtiro baasaborkii hore, Kan cusubnna la qaybiyo….” usagoo sifadda baasaboorkan cusub kahadlayana waxa uu yiri”;
“….baasaboorkan waxa uu leeyahay qalab meelkasta aad joogto Wasaaradda arimaha dibadu kaallasocon karto, cidqabsan kartaana majirto, waxana xusid mudan in Maraykanka visa lagagga heli karo hada kahorna ee dhacday oo dadku galeen…”.

Ambassador and student
Dalka Sudan oo ah meel ay u badan yihiin Soomaalida ku nool arday, xaaladooda dhaqaalle ay hooseyso baan wax ka weydiinay Qunsul Guure arrintaas, sida ay ulla-tacaalayaan waxanna uu yiri;
“….annagu waxan meesha ujoogna waa adeegga bulshadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkan, waanna la soconnaa dhamaan duruufaha ka jira iyo sida looga noolyahaba…Dowladu iyadoo taas kaduuleesa wexey ka fadhiday arinkaas mudadheer….waxa la go,aamiyey inlagu bixiyo baasaboorka 120$ dollar waa qorshe khaas ah oo aan Sudan ugu talagalay halka meellaha kale 150$dollar uu kayahay. Waxan u dhejinay ogeesiis dhamaan ardaydda haddanna waxa dufcadii ugu horaysay la bixiyey 34 baasboor waxaanna lagu helaaya muddo asbuuc gudihiis ah iyadoo loo diraayo magaalada Dubai ee dalka Emaaraadka….”.
Maxamed Yusuf Siciid
Khartoum, Sudan
