Garowe(Puntlandi.com) Xaruunta Ciidanka booliska ee Gobolka Nugaal kuna yaala Magaalada Garoowe ayaa Maanta waxaa Tababar looga Furay Ciidamo kuwa Amaanka ka shaqaynaya ah oo laga kala keenay Gobolada Mudug iyo Sool ee ka Tirsan deeganada Puntland.
Ciidamadaan ayaa Maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa deeganada Puntland waxaana Maanta Tababarka loo Furay lagu barayaa waxyaalo kala gedisan waxaana ay ka shaqayn doonaan Amaanka Marka uu u dhamaado Tababarkaasi Mudada soconaya.
Sareeye Guuto Cali Nuur Cumar Taliyaha Ciidanka Booliska Asluubta iyo Nabad Sugida ee Puntland ayaa goobtaasi ka hadlay waxaana uu Ciidankaasi Tababarku u furmay u sheegay in loo baahan yahay in dadka la dhaqmaan una sameeyaan Cadaalad kuna shaqeeyaan diinta islaamka iyo dhaqankeena, waxaana uu intaasi ku daray in la miisaami doono deegaanada Puntland.
Macalimiinta Tababarka wada oo aan qaarkood la kulmay ayaa waxaa ay noo sheegeen in Ciidanka la bari doono Maadooyin isugu jira shuruucda dalka iyo shareecada islaamka waxaana intaasi ku sii daray in Tababarka oo Ciidanka loo qabanayo la barayo shareecada islaamka iyo sharciga dalka uu ku dhaqmo.
Deeganada Puntland waxaa waayadan ku soo kordhaya Tababarada loo soo xirayo ciidamada oo noocyo kala duwan waxaana haatan xooga la saaray sidii sharciga iyo dhaqanka loo Fahan siin Lahaa ciidamada Amaanka oo ah kuwa inta badan ka agdhow dadka shacabka Amaankoodana Suga waxaana Tabarkii kan ka horeeyey soo xidhay Madaxweynaha Puntland Dr, Faroole
100 Askari laga keney Tukaeaq & Gaalkacyo tababar in garowe
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: 100 Askari laga keney Tukaeaq & Gaalkacyo tababar in gar
Ku Dhawaad 100 Askari Oo Ka Kala Yimid Gobolada Mudug Iyo Sool Oo Maanta Tababar Looga Furay Magalada Garowe
Garowe ( RBC Radio) Ciidamadaan oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada garoowe tiradoodana ay gaaraysay ku dhawaad ilaa boqol askari oo isugu jiray ciidamo kakala yimid gobolada sool iyo mudug ayaa maanta tobar socondoono mudo bil ah looga furay xarunta taliiska ciidanka boliska gobolka nugaal.
ciidamada maanta loo furay tobabarka ayaa waxa ay kamid ahaayeen askar hore uga shaqeeynaysay magaalada gaalkacyo iyo degmada tukaraq ee gobolada sool iyo mudug waxaana tobarka loo furay askarta uu ku saabsanaa barashada sharuucda dalka iyo shareecada islaamka.
S.guuto cali nuur cumar taliyaha ciidanka boliska asluubta nabadgalyada iyo dhaqan celinta dawlada Puntland oo furay tobabarkaani ayaa kula dardaarmay ciidamadii tobarka loo furay in ay kasoo baxaan doorka loogu talagalay ee u adeegida dalka iyo dadka waxaana taliyaha uu sheegay in askari kasta lamarsiin doono dhaar ku aadan in uu ushaqeenayo si daacadnimo ah waxaana taliyuhu uga danbeyn uga digay askarta in ay ku dhaqmaan marka uu tobabarkooda soo gabagaboobo waxyaalo kamid yihiin laaluushka qaadashada oo in badanoo kamid ah askarta arimahaasi ku dhaqmaan.
waa tabarkii afaraad ee loo qabto ciidamo caynkaan oo kale ah iyadoo tabarkaani kii kahoreeyay uu soo xiray madaxweynaha dawlada PL c/raxmaan sheikh maxamed maxamuud faroole iyadoona tobabarkaani uu kusoo aadayaa xilli magaalada gaalkacyo iyo meelo kamid ah gobolka sool ay kataagantahay xaalad amni daro.

Garoowe: Aqoon-kororsi u furmay boqol ka mida ciidamada ammaanka Puntland, xilli ay sii badanayaan dilalka qorshaysan
Garoowe, April 11 - Tababar aqoon-kororsi ah oo ku aaddan fahamka shuruucda la dajiyo iyo tan shareecada Islaamka ayaa maanta (Isniin) loo furay in kabadan boqol askari oo ka tirsan ciidanka bilayska kana howlgala gobollada Mudug iyo Sool.
Tababarkan oo socon doona bil ayaa waxa uu ka furmay xarunta taliska ciidanka bilayska ee gobolka Nugaal. Ciidamada loo furay tababarka aqoon-kororsiga ah ayaa waxay ay horay uga howl-gali jireen magaalooyin ku yaal gobollada Mudug iyo Sool, sida Gaalkaycyo, Laascaanood iyo Tukaraq.
Sareeye Guuto Cali Nuur Cumar, taliyaha ciidanka boliska, asluubta, nabadgalyada iyo dhaqan-celinta dawladda Puntland oo furay tobabarkaan ayaa kula dardaarmay ciidamadii tabarka loo furay in ay kasoo baxaan doorka loogu talagalay ee u adeegidda dalka iyo dadka. S. Guuto Cali waxa uu sheegay in askari walba lamarsiin doono dhaar ku aaddan in uu u shaqeeynayo si daacadnimo ah waxana taliyuhu kula dardaarmay askarta in marka ay dib ugu noqdaan gudashada waajibaadkooda ay si wanaagsan u dabakhaan aqoonta ay ka kororsan doonaan tababrkan, wuxuuna sidoo kale ku adkeeyay in ay la dagaallmaan musuqmaasuqa iyo laaluushka.
Waxa jira eedaymo ku saabsan in qaar ka mida askartu ay ku dhaqmaan arrimo ay ka mid yihiin laaluulsh-qaadashada, kuwaas oo uu taliyuhu sheegay in ay la kulmi karaan cawaaqib xun iyo sharaf-dhac.
kani waa tabarkii afaraad ee caynkiisa oo kale ah oo loo qabto ciidamamada ammaanka iyadoo tabarkaani kii ka horeeyay uu soo xiray madaxweynaha dawladda Puntlnad Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.
Tababrkani ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo in badan oo ka mida amni darrada ka taagan magaalooyinka waawayn ee Puntland loo aneeynayo tayo-xumida ciidamada kala duwan ee sugidda ammaanka, waxana dadka wax falanqeeya ay tilmaamayaan in loo baahan yahay kordhinta tababaradda caynkan oo kale ah, taasoo markeedana wax muuqda ka qaban karta kor u qaadidda ammaanka guud ee dalka iyo dadka.
Diiwaanka Wararka,
Daljir

sawiro natus bro 

- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: 100 Askari laga keney Tukaeaq & Gaalkacyo tababar in gar
sorry bro but they havent put any excapt the chief of policejamols2 wrote:sawiro natus bro

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 529 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 271 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 233 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 300 Views
-
Last post by KacdoonSool
-
- 0 Replies
- 244 Views
-
Last post by Somaliweyn Commando
-
- 3 Replies
- 705 Views
-
Last post by gemini07
-
- 40 Replies
- 2997 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 2 Replies
- 857 Views
-
Last post by Karbaash_killa
-
- 2 Replies
- 354 Views
-
Last post by D-Runner
-
- 39 Replies
- 5015 Views
-
Last post by LiquidHYDROGEN