



Talaado, April 12, 2011(HOL): Iyadoo saaka ay ku beegan tahay 51 sano guuradii ka soo wareegatay aas aaskii ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo aheyd 12/04/1960-kii ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax aad u ballaaran oo lagu taageerayay munaasabadan.
Kumanaan dadweyne ah ayaa maanta isugu soo baxay barxaddii Ex. Fiyoore ee degmada Xamarweyne waxayna dadkani isugu jireen bulshada qeybaheeda kala gedisan, sida Haweenka, dhalinyarada, Ardayda, Hobollada iyo weliba kooxda Baanda Muusikada, waxayna dadweynuhu siteen boorar waaweyn oo ay qoran yihiin halku dhegyo ku aadan maalinta aas aaska ciidanka, iyo taageerada ay u hayaan shacabka ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.
Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen Bulshada rayidka ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale lagu cambaareeyey shirka saaka ka furmaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaasoo ay soo qaban qaabisay Q/midoobay waxayna halkaasi ka cadeeyeen fikirkooda ku aadan iyagoo sheegay in horjeedaan shirkaasi uu yahay shir lagu majaxaabiyo horumarka ay sameyneyso Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya isla markaana qatar ku ah Qaranimada iyoMidnimada Soomaaliyeed.

Nabadoon Shariif Xuseen Jilicow oo ku hadlay magaca odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ugu horeyntii hambalyo u diray ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan saraakiil, saraakiil xigeeno, Alifley iyo Dabley isagoo tilmaamay in maalintan ay dareen gaar ah ku reebeyso dadkooda waaweyn ee iyagu aqoonta u leh awoodii xooganeyd ee ay lahaayeen ciidamada Xooggu isagoo u rajeeyey inay dib ula soo noqon doonaan awoodoodii balse ay dedaalaan oo kaliya.

Xoghayaha guud ee ururka haweenka Qaranka Marwo Faadumo Cali Cosoble oo iyaduna goobta ka hadashay ayaa u hambalyeysay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar madaxweynaha oo ah Taliyaha guud ee ciidanka Qalabka sida, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dhamaan saraakiisha ciidanka Xoogga “Haddii aan nahay haweenka iyo bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed waxaa sharaf noo ah maanta inaan ka soo qeybgalno munaasabadan, waxaana leenahay Ciidanka xooggu waa kuwa aan ku hurudno, waana kuwa caddowga naga difaaca guuleysta ayaan leenahay” ayay tiri Marwo Faadumo.

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne C/llaahi Ibraahim Sahal (Gardhuub) oo isna goobta ka hadlay ayaa tilmaamay inuu si weyn u xusuusto heesihii iyo guubaabadii ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed loona baahan yahay in shacabka Soomaliyeed ay garab siiyaan ciidamada si ay uga guul keenaan hadafkooda xoreynta dalka.
Dhanka kale, banaanbaxayaasha ayaa waxay cambaareeyeen shirka ka furmaya maanta magaalada Nairobi kaasoo loogu magac daray kulanka wadatashiga waxayna xuseen in shirkaasi aanu ka tarjumeynin danaha shacabka isla markaana uu dib u dhac u keenayo horumarka dowladda ee soo celinta nabadda, waxayna qaarkood ku eedeeyeen wakiilka xoghayaha guud ee Q/midoobay in kulankaasi uu dano gaar ah ka leeyahay kuwaasoo uu ku kala fogeynayo dhinacyada Soomaalida.
Maxamed Xuseen Ugaas
ugaasyare114@gmail.com