Warsaxaafadeed ku saabsan shirkii nairobi

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Warsaxaafadeed ku saabsan shirkii nairobi

Post by AhlulbaytSoldier »

Shirkii ka socday Nairobi oo Qodobo laga soo saaray.

Arboco, Abriil 13, 2011 (HOL) - Shir labo maalmood socday oo ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi.

Shirkaan oo loo diiday Warbaahinta ayaa qaatay muddo dheer kadib markii la isku mari waayay qodobada qaar iyo qaabka loo soo saarayo go’aamada.

Warar hoose oo ay Hiiraan Online heshay ayaa sheegaya in wakiilkii Dawladda Maraykanka u fadhiyay Shirka uu isaga baxay goobtii uu shirku ka socday taasoo dadka qaar ay u fasireen in aysan Dawladda Maraykanku raali ka ahayn qodobada shirka laga soo saaray.

Shirkan oo ay kasoo qayb galeen Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan maxamed (Faroole), Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKG Shariif Xassan Shiekh Aadan oo ay weheliyaan xildhibaano dawladda ka tirsan ayaa qodobadii laga soo saaray waxaa ugu muhiimsanaa:
1-In lasoo afjaro muddada dawlada KMG ah , lana doorto Madaxweyne cusub iyo Gudoomiye Baarlamaan.
2- In muddo 2 sano ah loogu daro wakhtiga Baarlamaanka DKMG ee Soomaaliya.
3-Shirka ayaa lagu sheegay inuu yahay Nidaam cusub oo hadda bilowday.

Waxyaabaha shirka kasoo baxay ayaa la gaarsiin doonaa Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirrada DKMG ee Soomaaliya sida ku xusan War saxaafadeedka.

Shirka maanta lasoo gabagabeeyay ayaa ah mid ay qaadacday DKMG ee Soomaaliya oo ku tilmaantay inuu yahay shirqool iyadoo sidoo kalana aysan kasoo qayb galin Maamullada SomaliLand iyo Ximin iyo Xeeb oo shirka lagu martiqaaday.

Ahmed Abdisamad Elmi
Hiiraan Online
Nairobi – Kenya
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”