w.health puntland & WFP visit EYL

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

w.health puntland & WFP visit EYL

Post by FBISOMALIA »

Image

Eyl : Degmada Eyl ee Gobalka Nugaal ayaa todobaadkan waxaa booqdey Waftigii ugu balaarnaa ee booqda degmadaas tan iyo markii Burcad-badeeda laga cayshey. Waftiga booqdey Degmada Eyl ee Gobalka Nugaal waxay isugu jireen Dowladda Puntland iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee Puntlandka shaqeeya kuwooda ugu tunka weyn. Ujeedka safarkan balaaran ee wadajirka ah waxay tahay qiimaynta xaaladaha Degmada Eyl sida arimaha bulshada iyo saamaynta abaartu ay ku yeelatey dadka iyo deegaankaba.(Sawirada hoos kadaawo)

Image
Dowladda waxaa ka socday wasiirada kala Ah Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali C/laahi Warsame, Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska Marwo Caasho Geele Diiriye, Wasiirka Duulista Hawada iyo Garomada Cali Gamuute, Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud iyo Guryaynta, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha Caafimaadka iyo Arimaha gudaha, Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Qarjab, Taliyaha Qaybta Gobalka Nugaal G/sare Cismaan Xasan Cuuke ( Afdalow), Taliye xigeenka Booliska Puntland G/sare Maxamed Siciid Jaqanaf iyo masuuliyiin kale oo ka socday wasaaraddo sida waxbarashada, Hay’adaha waxaa ka socday UNDP, UNICEF iyo UNFPA.
Image
Waftigan wadajirka ah ee Degmada Eyl ee Gobalka Nugaal booqdey ayaa gaarey Degmadaas duhurnimadii Axada (10-April-2011) waxayna mareen Degmada Dangorayo iyo tuulada Qarxin iyagoo markaasna toosu tagay Degmada Eyl. Waftiga ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey degmada Eyl waxaana looga horyimid 4 KM, soo dhaweynta waxaa hormuud ka ahaa Maamulka Degmada Eyl waxaana ka qaybgalay qaybaha bulshada ee Degmada.
Image
Degmada Eyl waxay ka kooban tahay labo qaybood oo magaalo kuwaas oo la kala yiraahdo DAAWAD iyo BADAY waxayna isu jiraan 5 KM oo buuro hoostood la marayo, Daawad waxay ku taal biriga halka BADAY ay ku taalo Xeebta Badweynta Hindiya. waftigu waxay wadajir ku ahaayeen safarka oo kaliya hadana mid walba ujeedkiisa ayuu u socday isaga oo abaaraya waxa uu u qaabilsan yahay dowladda ama hay’ada uu ka socdo.
Image
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland iyo hay’ada UNICEF waxay shaqada kasoo bilaabeen Tuulada QARXIS oo 5o km dhinaca Bari ka xigta Degmada Dongorayo ee Gobalka Nugaal waxayna waftigu booqdeen MCH-ka Qarxis halkaas oo ay eegeen xaalada Caafimaad ee Beesha Qarxis sida shaqada MCH-ka hooyada iyo dhalaanku qabto, xanuunada ugu badan iyo agabka Caafimaad ee ay helaan.
Image
Magaalada Eyl ee Xeebta ku taala Wasaaradda Caafimaadku waxay ka qabatey hawl baaxad leh waxaana wasaaradda Caafimaadka ka socday Koox uu hogaaminayo Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. C/risaaq Xirsi Xasan, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Dr. C/risaaq Xassan Ciise, Madaxa cudurka Duumada, Agaasimaha Waaxda Gobalada Dr. Xaashi Xirsi Muuse iyo Madaxa warfaafinta iyo Wacyigalinta Bulshada ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Cabdulqaadir Warsame Yuusuf.

Kooxda Wasaaradda Caafimaadka oo ahaa kooxdii ugu badnayd ee dhinaca dowladda ka socotay ayaa waxay sameeyeen hawlahooda dhanka Caafimaadka waxayna baaris iyo daaweyn ka bilaabeen labada MCH ee Degmada Eyl ee ku kala yaala Daawad iyo Baday. Wasaaradda Caafimaadku waxay Daawo iyo Baaris lacag la’aan ah siisay dad gaaraya 150 qof oo ku nool Daawad iyo Baday.Cudurada dadka laga daweynayay ee laga baarayay waxaa ka mid ahaa Malaariyada, Jadeecada, Shubanka, Dhiig la’aanta iyo nafaqo daradda. dhamaan cuduradaas waa laga daweeyey marka laga reebo Jadeecada iyo shubanka oo aan la arkin dad qaba.

Muuqaalka dadku waa dad ay abaarty saamaysay waxaana ku badan nafaqo darida una badan caruurta iyo hooyooyinka uurka leh iyo kuwa da’da ah. dadku waxay ku nool yihiin xaalad aad u adag majiro wax kaluumaysi ah oo xeebta kuma aanan arkin Kaluumaysato iyo qalabkii saxiimadaha lagu kaluumaysto, ganacsigeedu waa kan kaliya ee ay ku dhaqdhaqaaqaysay, dhinaca xoolaha abaarta jirta awgeed xaaladoodu aadbay u xuntahay mana aanan arkayn xoolo ishayadu ku faraxdo xitaa ariga magaalada Eyl qaybaheeda ku nool. Miyiga waaba dhib iyo naadir inaad aragto xoolo iyo qoysas dagan waxaana marka laamiga laga leexdo ilaa Eyl oo isu jira 110 KM hal qoys ayaanu aragnay oo kaliya waana marka laga leexdo Dongoroyo dadku waxay u guureen deegaanka biyuhu ka dhaw yihiin ee Nugaasha oo dadku way isaga hayaameen dhinaca Hawdka oo kulayl iyo haraad badani uu ka jiro.

Waftigu waxay ku sugnaayeen Degmada Eyl labo maalmood iyo labo habeen iyagoo u hoyday dhinaca Xeebta ee magaalada Baday. Maamulka Degmada Eyl oo ay waftigu la kulmeen waxay ka wada hadleen ujeedka waftiga iyo xaaladaha degmada Eyl waxayna maamulka Degmadu sheegeen in Eyl xaaladeedu ay aad u liidato xiliga abaarta iyadoo ay sheegeen in miyiga ay xoolihii ka dhamaadeen dadkiina ay magaalooyinka barakacayaal ku noqdeen.

Waftigu maalintii Talaadada 12-April-2011 ayay kasoo baxeen magaalada Eyl wasaaradda Caafimaadka oo Garowe dib ugu soo noqotey marka laga reebo waftiga intiisa kale waxay sii wateen safarkoodii iyagoo booqanayay Gobalada Karkaar iyo Bari degmooyin iyo tuulooyin ka mid ah.

Warbixin gaar ah oo ku saabsan Taariikhda iyo marxaladihii ay EYl soo martey iyo hada sida ay xaaladu tahay waan idiin soo gudbin doonaa hadii alle idmo waxaana la socda Sawiro aanu xaalad walba muuqaalkeeda idinku tusayno.

Cabdulqaadir Warsame Yuusuf
Madaxa Warfaafinta iyo Wacyigalinta
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: w.health puntland & WFP visit EYL

Post by quark »

:up:
Pwani
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 677
Joined: Tue Feb 22, 2011 4:11 am
Location: Take ur somalia and shove it up in ur black ass, im puntlander first mkenya second......
Contact:

Re: w.health puntland & WFP visit EYL

Post by Pwani »

:up: :up:
User avatar
tightrope
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6581
Joined: Thu Jul 15, 2010 1:46 pm
Location: U MAD SOUTHIE?

Re: w.health puntland & WFP visit EYL

Post by tightrope »

HOPE THE PIRATES WEREN'T GIVING THEM A HARD TIME! :P
:up: :up:
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: w.health puntland & WFP visit EYL

Post by FBISOMALIA »

tightrope wrote:HOPE THE PIRATES WEREN'T GIVING THEM A HARD TIME! :P
:up: :up:
who said eyl there is pirates the last city was garacaad and puntland kick them away :ugeek:
User avatar
tightrope
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6581
Joined: Thu Jul 15, 2010 1:46 pm
Location: U MAD SOUTHIE?

Re: w.health puntland & WFP visit EYL

Post by tightrope »

FBISOMALIA wrote:
tightrope wrote:HOPE THE PIRATES WEREN'T GIVING THEM A HARD TIME! :P
:up: :up:
who said eyl there is pirates the last city was garacaad and puntland kick them away :ugeek:
http://upload.wikimedia.org/wikipedia/c ... tricts.png
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: w.health puntland & WFP visit EYL

Post by FBISOMALIA »

tightrope wrote:
FBISOMALIA wrote:
tightrope wrote:HOPE THE PIRATES WEREN'T GIVING THEM A HARD TIME! :P
:up: :up:
who said eyl there is pirates the last city was garacaad and puntland kick them away :ugeek:
http://upload.wikimedia.org/wikipedia/c ... tricts.png
kkkkkkkkkkkkk james believes cirwaaq words so he put the flags , you can check the latest one map shown no flags :roll:

plus hardaree is the base of pirates why james didnt put the flag on it ,thats why cirwaaq hates puntland 8-)
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”