Breakingnews Shiskabab in Kismayo kill Rer Hasan sarkaal

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Breakingnews Shiskabab in Kismayo kill Rer Hasan sarkaal

Post by CoolPoisons »

AUN Hared Ali Dur Dur

Meydka Sarkaal ka tirsanaa Dooxada Jubba oo laga helay…..

Kismaayo: (Sh. M. Network) Sarkaal horey ugu tirsanaan jiray Maamulkii Dooxada Jubada ayaa maanta Meydkiisa laga helay Isbitaal ku yaala Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.



Sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen ilo lagu kasloonyahay Xareed Cali Dur-Dur oo ka mid ahaa Saraakiishii Isbahaysiga Dooxada Jubba oo ka talin jiray Magaalada Kismaayo ayaa saakay waxaa Meydkiisa laga helay Isbitaal ku yaala Magaalada Kismaayo isagoo jirkiisa ay ku yaaleen rasaas lala dhacay.



Ilaha lagu kalsoonayahay waxaa ay sheegeen in Xareed Cali Dur-Dur maalmo ka hor ay gacanta ku dhigeen Xarakada Al Shabaab gaar ahaan kuwa ka taliya Magaalada Kismaayo, isaga iyo xubno la socday hase ahaatee waxaa la tilmaamay in Xareed Cali ay la hareen ciidamada Xarakada Shabaab halka kuwa kale ee lala qabtayna la siidaayay.



Xareed ayaa la tilmaamay in muddo uu gacanta ugu jiray Shabaab hase ahaatee saakay Meydkiisa laga helay Isbitaal ku yaala Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose, isagoo ay ku yaalaan dhowr xabadood oo aan la’ogayn qofka cidda la dhacday.



Ila wareedyada lagu kalsoonyahay ayaa waxaa intaasi ku dareen in Xareed Cali Dur-Dur uu horey ugu mid ahaa Saraakiishii Dooxada Jubba oo ka talin jirtay Magaalada Kismaayo, marna uu soo noqday Maareeyaha Dekadda Kismaayo xiliga halkaasi ay gacanta ku hayeen ciidamadii uu hogaaminayay Xildhibaan Barre Aadan Shirre Barre Hiiraale.



Odayal diiday in magacooda la shaaciyo codkoodana Warbaahinta laga siidaayo ayaa waxaa ay sheegeen in wada hadal ay kula jiraan Al Shabaab kaasi oo ku aadan waxa ka dambeeyay dilka loo gaystay Xareed Cali-Dur-Dur oo ka mid ahaa Odayaasha iyo waxgaradka Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.



Majiraan wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Xarakada Shabaab ee gacanta ku haya Magaalada Kismaayo hase ahaatee tan iyo markii ay gacanta ku dhigeen Shabaab Magaaladaasi, waxaa Xareed Cali Dur-Dur uu ka mid ahaa Odayaasha ku dhaqan Kismaayo.


Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
User avatar
ibrahimcw
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1324
Joined: Sun Dec 05, 2010 5:33 am
Location: Kismaayo - Caabudwaaq - Ari Cadeys

Re: Breakingnews Shiskabab in Kismayo kill Rer Hasan sarkaal

Post by ibrahimcw »

this tells us the end is near for Shiskabaab, their desperation is on a all time high, they are sending out mass messages to people all over Jubaland crying for their support, they have undergone huge loses and are making desperate moves.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”