
Garowe(Puntlandi.com) Waxaa maanta ka ambabaxey Puntland Ciidan gaaraya 355 askari oo kusii jeeda Dalka Itoobiya, halkaasoo tababar uga furmi doono, Ciidanka ayaa saaka Aroornimadii iyagoo gadiidkooda wata ka lexdey magaalada Bacaadweyn halkasoo ay Itoobiya ka galayeen.
Ciidankaan ayaa loosoo tababarayaa la dagaalanka Burcad badeedka, waxaana sida aan warka ku helney tababarka bixinaya Cidamoka Mareykan iyo Itoobiyaan ah, iyadoo qorshuhu yahey iney tababarka ugu dambeeya ay ku qaataan Puntland gudehgeeda, lama sheegin inta ay ciidankaan ku maqnaanayaan Itoobiya iyo xilig Tababarku usoo xirmayo.
Waxaa Ciidanka saaka u ambabaxey Tabarka hogaaminayey saraakiil ka tirsan Wasaaraa Abniga Puntland iyo Wasaarada Dekadaha o ay hoos yimaadaan barnaamijka ladagaalanka Burcad Badeedka.
Puntlandi.com
Garowe