Xildhibaannada Reer Awdal " sland must build our state"

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Xildhibaannada Reer Awdal " sland must build our state"

Post by FBISOMALIA »

Xildhibaannada Reer Awdal oo markii ugu horaysay Madaxweyne Siilaanyo u bandhigay Saluuga beeshooda ee xukuumaddiisa iyo nuxurka qoraalkii ay u gudbiyeen

Hargeysa (Qaran news) – Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka kaga jira gobolka Awdal ayaa shalay kulan garnaqsi ah xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku xigeenkiisa Cabdraxmaan Cabdilaahi Saylici oo ay ka wadahadleen saluuga ay beeshoodu ka qabto saamiqaybsiga mansabyada xukuumadiisa oo ay barbar dhigeen inta ay haysato beesha Madaxweynuhu, waxaanay u gudbiyeen qoraal garnaqsi ah oo ay kaga hadleen miisaanka ay beeshoodu ku lahayd dhismaha qaranimada dalka iyo sida aanay ugu qalmin saamiga uu siiyey.

Xildhibaanadu waxay madaxweynaha hor dhigeen shaxda Xukuumadiisa oo aanay beel ahaan ka muuqan saami lagu qanci karo iyagoo shaxdaasi far waaweyn ugu muujiyay tirade kuraasta uu beeshiisa siiyay, sidoo kale waxay hor dhigeen tabashooyin fara badan oo ah dhinaca adeegyada bulshada oo aanay beeshoodu wax horumar ah oo la taaban karo ka haynin waxaanay ka codsadeen inuu si dhakhso wax uga qabto, hadii uu codsigoodaa aqbalana waxa ay sheegeen inay la shaqayn doonaan.

Qoddobada ay u gudbiyeen Madaxweyanuhuna waxay kala ahaayeen:-
1- in daawayn loo helo tabashada dhinaca Saami-qaybsiga ee Muuqaalka Siyaasiga ah hadii ay tahay Golaha Wasiirada,Agaasimayaasha Guud, Madaxda Hay’adaha Madaxa banaan, Danjirayaasha, Hogaamada ciiddanka Milatariga, Booliska, Asluubta, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa banaan, Shaqaalaha (shaqaalaynta), Askar qorista Saddexda Ciidan Qaran waanu ka madhanahay arrimo kala duwan.
2- in Xukuumaddu ku talaabsato qorshe deg dega oo wax lagaga qabanayo falkii foosha xumaa ee dhacay 11/7/2009,isla-markaasina dib loo alooso wada hadalkii nabadaynta ee hakaday una dhexeeyay Dadweynaha Deegaamada Ceel-bardaale,sidoo kalena la taageeraa,lana xoojiyaa nabadu ka rasmiga tahay,fiiro gaar ahna loo yeeshaa Cidkasta (Masuul dawladeed iyo Shicib) oo ragaadinaysa kana soo horjeeda Taageerada nabada.
3- si loo sugo amniga iyo xasiloonida Gobolka awdal waa in loo helo Ciidan Boolis ah oo tiro iyo tayo ahaanba dabooli kara Baahida taagan,iyada oo la tix-gelin la siinayo in Dhalinyarada Camal la’aantu hayso la qoro.
4- in dariiqyada iyo Jidadka kolba intii la awoodo iyo Farsamooyinka suurta galka ah wax laga qabto guud ahaanba,gaar ahaan sidii loo dhamaystiri lahaa wadada Dilla ilaa Boorama.
5- dib u eegis iyo dib u habaynba in loo yeesho rugaha Caafimaadka iyo Cusbitaalada Gobolka,iyada oo la gaadhsiinayo shaqaalihii Xirfada u lahaa iyo Daawooyinba,isla markaana laga shaqaysiiyaa Cusbitaalada Degmooyinka Xeebaha.
6- In laysku dayo sidii kor loogu qaadi lahaa tiro ahaan iyo tayo ahaanba Waxbarashada Gobolka, lana helaa saami ku sar go’an Ardayda iyo Fasalada oo dhinaca Macalimiinta Cusub Qoristooda ah.
7- in la helo Garsoorayaal leh Tababar xirfadeed oo ka hawl gala Gobolka iyo Degmooyinka, amaba lagu talaabsado sidii loo siin lahaa tababar xirfadeed oo kor loogu qaadayo Aqoontooda Garsoornimo,si loo gaadho hadafka aynu ka leenahay horumarinta Cadaalada iyo Garsoorka.
8- Degmooyinka aan lahayn Xabsiyada iyo kuwa Maxakamada iyo Xabsiga toona lahayn, in loo hawl galo sidii loogu heli lahaa.
Gaba-gabadii Mudane madaxweyne, anaga oo kaaga mahad celinayna waqtiga aad na siisay iyo Dhagaysigaba, waxaanu kaa rajaynaynaa in arrimahaasi aanu kuu soo gudbinay aad ka yeelan doontid qorshihii aad wax kaga qaban lahayd, oo aan lahayn dib u sii dhac qaata warti dheer.
waxaana naga balan ah, in aan kala shaqayno wax kasta oo lagu horumarinayo Maslaxada iyo danaha guud ee Umadda,laguna gaadhayo midnimo, wada jir iyo madaxa banaani taam ah,dhamaanteena waxaan inoo rajaynaynaa Guul iyo Horumar taam ah.

Garaad Axmed Maxamed Maxamuud iyo Suleex Madar oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Awdal oo wax laga waydiiyay nuxurka kulanka ay la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sheegay in ay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisaba kala hadleen arriamaha gobolkooda ka taagan, kuwaasoo ay qoraal ahaan ugu gudbiyeen si xidhiidh wanaagsan oo loo yeesho, iyaga oo dhankooda sheegay in ay aaminsan yihiin in kulankan wax ka tari doono isu soo dhawaanshaha gobolka iyo xukuumada dhexe.

Waxa kale oo ay madax-dhaqameedyadan sheegeen in ay ka soo horjeedaan shacabka gobolka Awdal baaqyada ka soo yeedhaya kooxaha u ololaynaya gooni u goosadka ee fadhigoodu yahay dalka Maraykanka oo ay sheegeen in aanay ka hadli Karin masiirka dadka ku nool gobolkaas oo qayb laxaad leh ka soo qaatay aasaaskii Somaliland, iyada oo shirkii dib u heshiisiinta beelaha Somaliland oo lagu qabtay Magaalada Boorama sannadkii 1991-kii.

Shirkan ay shalay isugu yimaadeen Madaxweynaha iyo madaxda matalaysa gobolka Awdal ayaa ah kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan labada dhinac muddooyinkan dambe, iyada oo ay soo baxeen kala fogaansho siyaasadeeda oo baryahan la dareemayay. Waxaanay tani u horseedaysaa dadka reer Awdal dhaqan cusub oo aany hore u lahaan jirin oo ay kula macaamili doonaan xukuumadda Siilaanyo, inkastoo ay xubno ka mid ah Xildhibaanadii ka qayb galay kulanka Madaxweynuhu ay ka muquurteen inay ka qayb galaan casuumad qado ah oo ay madaxtooyadu ugu samaysay huteelka Imperial si ay u beeniyaan kooxdii ku dhawaaqday Awdal State

Waaheen
wa ariin cusub :roll:

so sland = triangle city's only :ugeek:
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Xildhibaannada Reer Awdal " sland must build our state"

Post by Rightwing »

What is funny sxb. they have right to complain.
User avatar
Blue_609
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 758
Joined: Sun Aug 23, 2009 11:52 am
Location: Kabaal nagi kobtii laygu dhalay kaydka inankayga

Re: Xildhibaannada Reer Awdal " sland must build our state"

Post by Blue_609 »

no they should not build anything. SL must be concerned with eastern gabiley and burco iyo inta o dhaxaysa.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Xildhibaannada Reer Awdal " sland must build our state"

Post by FBISOMALIA »

Rightwing wrote:What is funny sxb. they have right to complain.
20 years and not even one samroon police what is that :|

Blue_609 wrote:no they should not build anything. SL must be concerned with eastern gabiley and burco iyo inta o dhaxaysa.
its sad fact sland is only hargisa , burco , barbara no more no less
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Xildhibaannada Reer Awdal " sland must build our state"

Post by Rightwing »

FBISOMALIA wrote:
Rightwing wrote:What is funny sxb. they have right to complain.
20 years and not even one samroon police what is that :|

Don't you know head of the SL police Cilmi Rooble Furre is Samaroo?

Rightwing wrote:

head sl police is samroon not ogaslabii ...???

and sxb they ask for samroon police in awdal not in hargisa so 20 no samroon police working in awadal is something hard to believe :|
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Xildhibaannada Reer Awdal " sland must build our state"

Post by Rightwing »

Waxaad isku qaldaysaa labada nin.
Taliyaha policka Cilmi Rooble is Samaroon
Difence minister Axmed xaaji Cadami is Ogeyslabe
User avatar
Blue_609
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 758
Joined: Sun Aug 23, 2009 11:52 am
Location: Kabaal nagi kobtii laygu dhalay kaydka inankayga

Re: Xildhibaannada Reer Awdal " sland must build our state"

Post by Blue_609 »

FBISOMALIA wrote:
Blue_609 wrote:no they should not build anything. SL must be concerned with eastern gabiley and burco iyo inta o dhaxaysa.
its sad fact sland is only hargisa , burco , barbara no more no less
no its not sad .. maamulka iyagaa leh siday rabaan ha o walaaqdaan.
User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12077
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Re: Xildhibaannada Reer Awdal " sland must build our state"

Post by abdikarim86 »

Blue_609 wrote:
FBISOMALIA wrote:
Blue_609 wrote:no they should not build anything. SL must be concerned with eastern gabiley and burco iyo inta o dhaxaysa.
its sad fact sland is only hargisa , burco , barbara no more no less
no its not sad .. maamulka iyagaa leh siday rabaan ha o walaaqdaan.
When are you going to tell us your full time username? ileen way iska cadahayee :lol:
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Xildhibaannada Reer Awdal " sland must build our state"

Post by FBISOMALIA »

Rightwing wrote:Waxaad isku qaldaysaa labada nin.
Taliyaha policka Cilmi Rooble is Samaroon
Difence minister Axmed xaaji Cadami is Ogeyslabe
ok wan gartii 8-)

our main topic is why no samroon police working in awdal
Blue_609 wrote:
FBISOMALIA wrote:
Blue_609 wrote:no they should not build anything. SL must be concerned with eastern gabiley and burco iyo inta o dhaxaysa.
its sad fact sland is only hargisa , burco , barbara no more no less
no its not sad .. maamulka iyagaa leh siday rabaan ha o walaaqdaan.
sxb yes isaaq are sland but at the same time samroon part of this mamool (vice presdient - dahir rayelee former presdient)

cissa + other gudborshii sub clans + one dulbahantii sub clan ican understand but samroon come on sxb :|
User avatar
Blue_609
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 758
Joined: Sun Aug 23, 2009 11:52 am
Location: Kabaal nagi kobtii laygu dhalay kaydka inankayga

Re: Xildhibaannada Reer Awdal " sland must build our state"

Post by Blue_609 »

sxb yes isaaq are sland but at the same time samroon part of this mamool (vice presdient - dahir rayelee former presdient)

cissa + other gudborshii sub clans + one dulbahantii sub clan ican understand but samroon come on sxb
no we're not. the govt should have been 100 % idoor
User avatar
Madelina
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 953
Joined: Fri Jan 21, 2011 11:48 am
Location: My country is Somaliland, My Ethnicity is Somali and My Religion is Islam ;-)

Re: Xildhibaannada Reer Awdal " sland must build our state"

Post by Madelina »

Hello Blue..walalo do you still have the blues :cry: .. ..I hope videogan inu jarka ka sii tuurin :mrgreen: :mrgreen:

[youtube]secRh003kcs&feature[/youtube]
User avatar
Blue_609
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 758
Joined: Sun Aug 23, 2009 11:52 am
Location: Kabaal nagi kobtii laygu dhalay kaydka inankayga

Re: Xildhibaannada Reer Awdal " sland must build our state"

Post by Blue_609 »

hi lina :D

wats with all these meetings in borama all of a sudden i see the old drunkard is feeling the heat already :lol:
but its doesn't change anything,, few guys appointed by SNM are meeting with the gvt that appointed them.

ps: the on going road paving has nothing to do with maamulka SNM its done by the ppl and ASARDA. :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”