New Political Party in SL (PDP) By Ismaacil Faqash
Moderator: Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
New Political Party in SL (PDP) By Ismaacil Faqash
Hargeisa (Burcoonline) 15.04.2011 Wasiirkii Hore Wasaaradda Arimaha gudaha Somaliland ee wakhtigii xukuumaddii Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin Md Ismaaciil Aaden Cismaan (Ismaaciil Yarre) ayaa Magaaladda Hargeysa ka bilaabay olole uu ku doonayo inuu ku dhawaaqo urur siyaasadeed.
Md Ismaaciil Aaden Cismaan, ayaa maanta la arkayay isaga oo huteeladda waawayn ee caasimadda ku qaybinaya waraaqo (brochures) ay ku qoran yihiin magaca urur siyaasadeedka uu doonayo inuu ku dhawaaqo, kaas oo magaciisu yahay (Peace & Development Party) oo loo soo gaabiyey PDP, astaantiisu ay tahay calan midabka Akhtarka ah oo bil iyo xidig dhexda kaga taalo.
Ismaaciil Aaden Cismaan, ayaa sidoo kale xalay munaasibadii buuqu ka dhashay ee lagu taageerayay furashadda ururada siyaasada ka sheegay inuu ku dhawaaqayo ururkan magaciisa loo soo gaabiyey (PDP), isla-markaana aanu cidna kala gabanayn.
Wariye ka tirsan Shabakadda caalamiga ah ee Ramaasnews, oo maanta huteelka Imperial gudihiisa kula kulmay Ismaaciil Aaden Cismaan ayaa waxa uu ka qaaday waraaqaha uu u qaybinayay dadka huteelka fadhiyey, isaga oo u sheegay inuu dhawaan munaasibad kaga dhawaaqi doono ururkan.
Waraaqahan uu Ismaaciil dadka u qaybinayay, ayaa waxa ku qoran taariikhda nololeedka siyaasadeed ee Ismaaciil Yare iyo waxyaabihii uu ka soo qabtay xukuumaddii Daahir Rayaale oo uu wasiirka daakhiliga ka ahaa.
Sidoo kale, waraaqaha uu dadka u qaybinayay waxa ku qornaa waxa ka mid ah “Urur siyaasadeedkan waxa aasaasay Injineer Ismaaciil Aaden Cismaan oo ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee reer Somaliland, xilal kala duwana ka soo qabtay dawladii Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, isaga oo qabtay jagada wasiirka ganacsiga, warshadaha, dekedaha iyo shidaalka bilowgii sanadii 1998 ilaa dabayaaqadii 1999-kii”
Waraaqahan oo uu ku yaalo sawirka Ismaaciil Aaden Cismaan, ayaa waxa ku qoran kalmado ay ka mid yihiin “Ismaaciil waxa uu ka mid ahaa wasiiraddii dalkan soo maray kuwii ugu firfircoonaa, hawl-karsanaa uguna waxqabad badnaa.”
Qoraalkan uu qaybinayay oo weedhaha ku qorani ay dhammaantood u ekaayeen kuwa ololaha doorashooyinka ay ku galaan siyaasiyiinta mansab doonka ahi ayaa, waxa kale oo ka mid ahaa “Waa wasiirkii xidhiidhka fiican ee saaxiibtinimo ka dhex abuuray Somaliland iyo dalka aynu deriska nahay ee Djabuuti, loona doortay guddoomiyihii nabadgalyadda, siyaasadda iyo ganacsiga.”
Ugu dambayn, tan iyo markii Madaxwayne Somaliland Md Axmed Maxamuud (Siilaanyo) guddida u soo saaray ka soo tallo-bixinta qadiyadda furashada siyaasadda, waxa dalka ka bilaabmay guux wayn oo la xidhiidha guddidaas Madaxwaynuhu saaray oo dadka qaarkii u arkeen in aanay sharciyad ku fadhiyin sida uu xalay ka dhawaajiyey Mujaahid Ibraahim Dhago-wayne “Annigu waxaan aaminsanahay in guddidaasi wax sharciyad ah aanay haysan, waayo anniga ayaa maxkamadda sare tagay oo wax warqad ahi kama taallo” ayuu yidhi Mujaahid Ibraahim Dhago-wayne, isaga oo waliba hambalyeeyay urur siyaasadeed la sheegay in dhawaan lagaga dhawaaqay Gobolka Sool.
Si kastaba ha ahaatee, dadwaynaha reer Somaliland, gaar ahaan dadka danaynaya furashada ururada siyaasaddu waxay ka dhur-sugayaan guddidaas Madaxwaynuhu saaray, iyagga oo haddana inta badan dhaliila “Anigu wax kale idin odhan maayee waxa la yidhi hawshiinu waa yar Bacda Casar” sidaa waxa xalay munaasibad ka yidhi Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye.

Re: New Political Party in SL (PDP) By Ismaacil Faqash
Are more parties allowed now?
- hargaysaay
- SomaliNet Super

- Posts: 8453
- Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
- Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.
Re: New Political Party in SL (PDP) By Ismaacil Faqash
I think the ones that already exist should be reformed and have equal participation by all 5 somaliland clans
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: New Political Party in SL (PDP) By Ismaacil Faqash
There was a New Political Party in Laascanood recently!Executive wrote:Are more parties allowed now?
but it looks like its gonna go ahead!
- abdikarim86
- SomaliNet Super

- Posts: 12077
- Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
- Location: Bristol
Re: New Political Party in SL (PDP) By Ismaacil Faqash
^ why don't they let all parties participate in local elections and only let large parties compete for parliament and the presidency?
Also there is no 2nd round in S/land presidential elections, with many parties participating you'll have a man
winning the presidency with 20% of the vote
Also there is no 2nd round in S/land presidential elections, with many parties participating you'll have a man
winning the presidency with 20% of the vote
Re: New Political Party in SL (PDP) By Ismaacil Faqash
abdikarim86 wrote:^ why don't they let all parties participate in local elections and only let large parties compete for parliament and the presidency?
What position would a locally elected politician/party have?
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: New Political Party in SL (PDP) By Ismaacil Faqash
Laascanood (BurcoOnline) 12.04.2011 Guddoomiyihii hore ee xisbiga UDUB ee Gobolka Sool Cabdi C/laahi Liibaan ayaa shaaca ka qaaday in urur Siyaasadeed cusub ee lagu Magacaabo Qabyo-diid ay kaga dhawaaqeen Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, isagoo tilmaamay-na inay taageersan yihiin in la furo ururada Siyaasada, isagoo intaa ku daray in ururkoodaasi ay Hogaankiisa iyo guddidii Fulinta ay ku dooran doonaan Shirweyne ay qaban doonaan dhawaan.
Waxaana ku dhawaaqista ururkaasi Haatuf u xaqiijiyay Cabdi C/laahi Liibaan oo isagu sheegay inuu yahay Afhayeenka ururkasi oo Xalay Khadka Telefoonka nagula soo xidhiidhay isagoo ku sugan Laascaanood, kaas oo uu sidoo kale sheegay in Bulshada ka soo jeeda Gobolka Sool marka la furo ururada Siyaasada ay kaga qayb gali doonaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ururkoodaasi, kuna baaqay in la furo ururada Siyaasada.
Cabdi C/laahi Liibaan oo arrimahaasi ka hadlayaana, waxa uu yidhi “Waxaan halkan ka cadaynayaa inaanu ku dhawaaqnay urur Siyaasadeed cusub oo lagu Magacaabo qabyo-diid, anigoo ah Afhayeenkii ururkaasi waxaananu ku baaqaynaa in ururada Siyaasada la furo si aanu tartanka doorashooyinka ugaga qayb-galno haddaanu reer Sool nahay ururkaasi oo aanu ka samaynay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool”
Mar aanu weydiinay Mr Liibaan in ururkoodaasi Sharci daro yahay, maadaama oo aan si sharciya wali loogu dhawaaqin fasaxaada ururada Siyaasada, waxa uu yidhi “Ururka UDHIS-ba soo-kaa hawshiisa iska wata, anagu Sharciga ku tuman maynee marka ururada Siyaasada la furo ayaanu ururkayagaasi kaga qayb-gali doonaa, waxaan se hadda kuu xaqiijinayaa in ururkaasi Qabyo-diid aanu hadda ku dhawaaqnay”.
Mar aanu weydiinay in urukoodaasi yahay urur Beesha Dhulbahante ku kooban iyo Xubnaha Siyaasiyiinta ah ee Guddoomiyaha ka ah, waxa uu yidhi “Somaliland oo dhan baa ku jirta, Shirkiibaa-na dhawaan la qaban doonaa oo lagu dooran doonaa Hogaankii iyo Guddidii fulinta, hadda se anigoo Afhayeen ah ayuun-baa ka sii Magacaaban wixii faah-faahin ah ee intaa dhaafsiisana mar dambe ayaanu ka warami doonaa iyo Xubnaha ku jiraba, waxan se kuu sheegayaa inaanu taageersa nahay in ururada Siyaasada la furo”.
Waxaana ku dhawaaqista ururkaasi Haatuf u xaqiijiyay Cabdi C/laahi Liibaan oo isagu sheegay inuu yahay Afhayeenka ururkasi oo Xalay Khadka Telefoonka nagula soo xidhiidhay isagoo ku sugan Laascaanood, kaas oo uu sidoo kale sheegay in Bulshada ka soo jeeda Gobolka Sool marka la furo ururada Siyaasada ay kaga qayb gali doonaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ururkoodaasi, kuna baaqay in la furo ururada Siyaasada.
Cabdi C/laahi Liibaan oo arrimahaasi ka hadlayaana, waxa uu yidhi “Waxaan halkan ka cadaynayaa inaanu ku dhawaaqnay urur Siyaasadeed cusub oo lagu Magacaabo qabyo-diid, anigoo ah Afhayeenkii ururkaasi waxaananu ku baaqaynaa in ururada Siyaasada la furo si aanu tartanka doorashooyinka ugaga qayb-galno haddaanu reer Sool nahay ururkaasi oo aanu ka samaynay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool”
Mar aanu weydiinay Mr Liibaan in ururkoodaasi Sharci daro yahay, maadaama oo aan si sharciya wali loogu dhawaaqin fasaxaada ururada Siyaasada, waxa uu yidhi “Ururka UDHIS-ba soo-kaa hawshiisa iska wata, anagu Sharciga ku tuman maynee marka ururada Siyaasada la furo ayaanu ururkayagaasi kaga qayb-gali doonaa, waxaan se hadda kuu xaqiijinayaa in ururkaasi Qabyo-diid aanu hadda ku dhawaaqnay”.
Mar aanu weydiinay in urukoodaasi yahay urur Beesha Dhulbahante ku kooban iyo Xubnaha Siyaasiyiinta ah ee Guddoomiyaha ka ah, waxa uu yidhi “Somaliland oo dhan baa ku jirta, Shirkiibaa-na dhawaan la qaban doonaa oo lagu dooran doonaa Hogaankii iyo Guddidii fulinta, hadda se anigoo Afhayeen ah ayuun-baa ka sii Magacaaban wixii faah-faahin ah ee intaa dhaafsiisana mar dambe ayaanu ka warami doonaa iyo Xubnaha ku jiraba, waxan se kuu sheegayaa inaanu taageersa nahay in ururada Siyaasada la furo”.
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: New Political Party in SL (PDP) By Ismaacil Faqash
I agree with this new Political parties, what they should do is let all the parties run for the Local election first and then the 3 biggest ones should compete for the presidential elections... like they done in the past!abdikarim86 wrote:^ why don't they let all parties participate in local elections and only let large parties compete for parliament and the presidency?
Also there is no 2nd round in S/land presidential elections, with many parties participating you'll have a man
winning the presidency with 20% of the vote
- Rightwing
- SomaliNet Super

- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: New Political Party in SL (PDP) By Ismaacil Faqash
-
djibsomali
- SomaliNet Super

- Posts: 5229
- Joined: Fri May 25, 2007 6:39 pm
Re: New Political Party in SL (PDP) By Ismaacil Faqash
xisbii samaronaa hadii laa ogalaan meeshaa way burburaysaa!!
Awdal state haa noolatoo
Awdal state haa noolatoo
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: New Political Party in SL (PDP) By Ismaacil Faqash
Keena Hee..djibsomali wrote:xisbii samaronaa hadii laa ogalaan meeshaa way burburaysaa!!
Awdal state haa noolatoo
- abdikarim86
- SomaliNet Super

- Posts: 12077
- Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
- Location: Bristol
Re: New Political Party in SL (PDP) By Ismaacil Faqash
TrueLiQaaye_TDH wrote:I agree with this new Political parties, what they should do is let all the parties run for the Local election first and then the 3 biggest ones should compete for the presidential elections... like they done in the past!abdikarim86 wrote:^ why don't they let all parties participate in local elections and only let large parties compete for parliament and the presidency?
Also there is no 2nd round in S/land presidential elections, with many parties participating you'll have a man
winning the presidency with 20% of the vote
But what are the chances of that happening?
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: New Political Party in SL (PDP) By Ismaacil Faqash
^^^ very likely with 85% wants it...
- abdikarim86
- SomaliNet Super

- Posts: 12077
- Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
- Location: Bristol
Re: New Political Party in SL (PDP) By Ismaacil Faqash
LiQaaye_TDH wrote:^^^ very likely with 85% wants it...
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 13 Replies
- 1365 Views
-
Last post by ChiefAaqil
-
- 10 Replies
- 777 Views
-
Last post by Somalistan
-
- 2 Replies
- 348 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 37 Replies
- 2264 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 30 Replies
- 31498 Views
-
Last post by Polus
-
- 14 Replies
- 1120 Views
-
Last post by Basra-
-
- 24 Replies
- 1503 Views
-
Last post by Voltage
-
- 47 Replies
- 4746 Views
-
Last post by Surprise
-
- 0 Replies
- 248 Views
-
Last post by paidmonk
-
- 23 Replies
- 3378 Views
-
Last post by mahoka