Ethiopian London Embassy Shutdown by protest(Daawo)

User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Ethiopian London Embassy Shutdown by protest(Daawo)

Post by hanqadh »

Protests organized in unison by the Ogaden and the Ethiopian communities in Europe today took place in London, United Kingdom (UK). The protests were led by Ogaden Somalis from many parts of the UK. Present also were communities from Somalia, Oromia, Amhara and Sidama.The protests took place at the Imperial College of London at around 1:00 PM local time. The protesters appeared very well organized. They alsoseemed to know exactly what to say, how to say it, and whom to direct their visible anger. Some of the memorable slogans sang in many languages by the protesters included ‘Xaar Wayaano- Wayano Excrement’ and ‘Time is up For Meles, the Woyane Tyrant.’
Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: Ethiopian London Embassy Shutdown by protest(Daawo)

Post by hanqadh »

Safiirka London: kooxda Cabdi ilay wafdiga ay soo raaceen ayaa sabab u ah guuldarada

Barqiyad dagdag ah oo safiirka u fadhiya Ingriiska uu u diray Wasaaradda AD ee Itobiya oo si hoos ahaan ah ay u heleen qawmiyadda Amxaarada ayuu safiirka kaga eed sheegtay sabata ay xukuumadda dhexe u soo raaciyeen Cabdi ilay iyo kooxda Somalida ah ee la socotay wafdiga. Taasoo uu ku tilmaamay inay sabab u ahayd fashilaadii shirka iyo banaabaxyadii Intifaadada ahaa ee safaaradda lagu qabsaday.

Safiirka wuxuu warqadiisa ku sheegay inay arintaasi keentay in jaaliyadda S.Ogadenya oo aad u abaabulan ay ku daydaan qawmiyadihii kalee Itobiya. Wuxuu safiirka sheegay in sababta shirka loo qabanayo ee ahayd in shacabka Itobiya laga gado mashaariicda horumarineed aanay wax shaqa ah ku lahayn qawmiyadda Somalida sidaa darteed sabab loo soo raaciyo Cabdi ilay oo uu ku tilmaamay in aanu sumcad fiican ku dhex lahayn jaaliyadda xooga badan ee dagan dalka Ingriiska
.

Sidoo kale, inkastoo aan la helin wararkii ay direen safaaradda iyo qunsuliyadaha Itobiya u jooga dalka Mareykanka, waxaa hubaal ah inay qudhooda siyaba la mid ah warbixinta safiirka Ingriiska ay gudbiyeen.

Xuuraanse aan la yeelanay ila-wareedyo si hoos ahaaneed ula shaqeeya wakaaladda ONA oo ku sugan Adisababa waxay noo sheegeen inuu jiro dareen xoogan oo muujinaya in maamulka KT Meles ay isku khilaafsan yihiin Cabdi ilay iyo nidaamkiisa. Waxaa jira koox saraakiil iyo wasiiro iyo xoghaynta Meles ka tirsan oo iyagu ku xidhan Cabdi ilay oo boqolaal kun oo laaluush ah laga siiyo badjet-ka loo qoondeeyo gobolka. In maamulada kililada ay iska laaluushaan kooxda awooda ku dhex leh maamulka Meles waa badbaadada kali ahee ay haystaan qawmiyadaha waxan maamul ku-sheegyada lagu tilmaamo ay Wayaanaha TPLF u dhoo-dhoobeen.

Woyane Embassy officials complaining about Cabdi Ilays presence in the delegation which they say lead to the failed meeting in London with diaspora communities.:lol:

Rer Ogadeniya mobilising the masses against Meles and his henchmen :up:
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: Ethiopian London Embassy Shutdown by protest(Daawo)

Post by hanqadh »

Taageryaasha ONLF oo ku Gil-Gilay Mudaaharaad magaalada London, kasoo looga soo horjeeda Maamulka Males Sanawi. 17/4/2011


Taageerayasha oo aan u kala harin yar iyo wayn, waayeel iyo waxgarad Marwo iyo Gashaanti ayaa soo buuxdhaafiyay Imperial College Of London

oo ay shir ku lahaayeen koox ka socotay Maamulka EPRDF oo laga soo diray Wadanka Itoobiya, si ay u soo iibiyaan siyaasadda uu ku socon doono wadankaas Itoobaya mudada 5 sano ee soo socoto .


Mudaaharadayaasha oo sida looga bartay ku qaylinayay halkudhigyo ka dhan ah Dawaladda aan ilaalin Xaquuqda Aadanaha ee Itoobiya, ayaa markii danbe u dhacay goobta uu shirka ka socday, kuna qasbay in meesha ay isaga cararaan kooxdii EPRDF ka socotay.

Waxaa markii danbe layskula baxay banaanka ka koraysa meesha shirka ka socday, oo kooxda EPRDF ka socotay ay qasab ku noqotay inay ku laabteen Safaarada Itoobiya oo agagaarkaas ka dhawayd.

Taageeryaasha ayaa ka mudaaharadaayo arimaha xaquuqda bini'aadamka iyo tacadiyada loo gaysto shacabaka iyo cadaadiska Dawlada Itoobiya ay ku hayso shacabwaynaha Ogadenya, oo mudo boqolaal sano ah raadinaya xaqa ay u leeyihiin in aayahooda iyo jiritaankooda ka tashadaan.

Waxaa Jabhada ONLF ay kula jirtaa dagaal aan kala go' lahayd, dhiig badana ku daatay Dawlada Itoobiya, taasoo ay ku raadinayso Madaxbanaani buuxda in ay ka qaadato Dawlada Itoobiya oo muda badan gacanta ku haysay dhulka Ogadenya.

Jabhada ONLF ayaa baryahan danbe xoogeedu Milatari aad u sii korayay, ayadoo ku kaliftay PM. Malas Sanawi inuu badalo xeeladiisa ku aadan shacabka Ogadenya. Asagoo bilaabay inuu abuuro siyaasad iska hor keenaysa taagerayaasha Jabhada ONLF iyo shacabka Ogadenya, waxaase hada muran uusan ku jirin in Males uu mar kale ku guuldaraystay siyaasadiisii cusbayd ee kala qaybi oo xukun.

Dawladaha Caalamaka ayaa inta badan iska indha tiro xaquuqda aadanaha marka arinku ay taagantahay sacab 100% Muslim ah oo cadaadis ay ku hayaan Dawlada Masiixi ah.

Waxaase hada moodaa, in isbadalalada ka dhacaya dunida uu indhaha caalamku u soo jeediyay arinta Ogadenya sidii xal looga gaari lahaa, loona furdaamin lahaa sida Koonfurta Suudan loo furdaamiyay.

Waxaa kaalintooda buuxiyay, Muwaadiniinta ku nool Qaaradda Yurub iyo Ameerika ee asal ahaan ka soo jeeda Shacabka Ogadenya, oo har iyo habeen dacwad la daba taagan Maamulka Sanawi.

Waxaa bilihii la soo dhaafay dhacay shirar caalami ah, oo looga hadlayo Arimaha Xaquuqda aadanaha ee Ogadenya iyo sidii loo dhimi lahaa deeqaha la siiyo wadanka Itoobiiya, taasoo la xaqiijiyay in loo isticmaalo dagaalka ka dhanka ah shacabka Ogadenya.

http://www.kismaayotimes.com/modules/ne ... toryid=286
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”