Addis-Ababa:(Allpuntland)-Wasiirka Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada & Isboortiga ee dawlada Puntland Mudane,Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhaguran) ayaa ka qeybgalay shirweyne balaaran oo ay qaateen Wasiirada Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada & Ciyaaraha ee wadamada ka tirsan urur goboleedka Igad,kaas oo laanta fulinta ee ururkaasi uu soo qabanqaabiyey islamarkaasna ka dhacay magaalada Addis-Ababa ee caasimada dalka Ethiopia.
Shirkan oo ay ka qeybgaleen Wasiiro badan & madax ka tirsan uruka Igad Iyo Ururka Midowga Afrika ayaa sidoo kalena waxaa goobjoog ka ahaa Safiirada wadamada reer galbeedka u jooga Magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia kuwaas oo looga hadlayey baahiyaha imika haysta dhalinyarada geeska Afrika oo ay ugu horeeyaan shaqo la'aanta iyo ku biirista kooxaha dhibaatooyinka wada iyadoo si gaar ahna kulanka loogu soo qaaday xaalada Dhalinyarada Soomaaliyeed oo imika meel halis ah maraysa.
Wasiirka Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada & Isboortiga ee dawlada Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle oo shirkan ka jeediyey khudbad balaaran oo ku saabsan xaalada Soomaaliya gaar ahaana dhibaatooyinka haysta guud ahaanba dhalinta Soomaaliyeed ayaa si gaar ah uga hadlay ka qeybgalka dhalinta ee arimaha Burcad Badeeda & kooxaha ka dagaalamaya gudaha Soomaaliya,waxanaa uu Wasiirka Shaqaalaha ee Puntland sheegey in ay taasi keentay shaqo la'aan & Waxbarasho la'aan ay dawlad la'aani u dheertahay oo haysata dhalinta Soomaaliyeed,isagoo sidoo kalena sheegey in ay jiraan dhalinyaro aan badnayn oo ka badbaaday dhibaatooyinkaas.
Mr,Indhaguran wuxuu sheegey in Puntland ay ku mashquulsantahay ka jihaynta dhalinyarada ee dhibaatooyinka jira,waxaana uu wadamada shirkan ka qeybgalay & Safiirada goobjooga ahaaba ka codsaday in dawladiisa laga taageero sidii dhalinyarada shaqo abuuris loogu samayn lahaa,taas oo ay aqabaleen intabadan dadkii uu codsigiisu ku socday,waxaa sidoo kalena uu shirku markii uu soo idlaaday kulamo gaar gaar ah la qaatay Wasiiradii ka qeybgalay shirkaas oo looga hadlay iskaashiga Puntland & wadamada geeska Afrika.
Cabdiqani Xayir
Allpuntland
puntland participate in igad sport meetings
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 19 Replies
- 1002 Views
-
Last post by Saraxnow
-
- 1 Replies
- 464 Views
-
Last post by Nubis
-
- 0 Replies
- 478 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 466 Views
-
Last post by nomadicwarlord
-
- 7 Replies
- 813 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 1 Replies
- 565 Views
-
Last post by StormShadow
-
- 1 Replies
- 592 Views
-
Last post by oxymoron
-
- 1 Replies
- 708 Views
-
Last post by Northkil
-
- 7 Replies
- 600 Views
-
Last post by Ican
-
- 1 Replies
- 985 Views
-
Last post by Nolol cusub