Jew Sharif sakiin welcomed with protest

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Jew Sharif sakiin welcomed with protest

Post by AhlulbaytSoldier »

⁠Sunday, April 17th, 2011 | ⁠Posted by cadde

Shariif Xasan Oo Lagu Soo Dhoweeyey Banaanbax Ka Dhan Ah Iyo Odayaasha Digil Iyo Mirifle Oo Ku Baaqay In Diyaaradii Siday Dib Looga Celiyo Garoonka (Daawo Sawirro)

 

 

 

Muqdisho (DHM Radio):-Iyadoo saaka uu ka soo degay garoonka Aadan-cadde International Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan iyo wefdi uu hogaaminayo kuwaasoo ka qeyb galay kulankii loogu magac daray “Wadatashiga heerkiisu sareeyo” ayaa waxaa markii uu soo degay guddoomiyaha Banaanbax ka dhan ah kala hortegay boqolaal dadweyne kuwaasoo u badnaa arday kuwaasoo afaafka hore ee garoonka soo tubtay.



Banaanbax4

 

Dadweynahan ayaa waxay ku qeylinayeen erayo ka dhan guddoomiyaha iyo boorar ay ku qornaayeen “ha dhoco Shariif Sakiin” iyo “Dooni meyno Dollar qaate”, waxaana dadweynahani ay socod ku mareen wadada dheer ee isku xirta Garoonka Aadan-cadde iyo isgoyska KM4.

Dhinaca kale, shir ay yeesheen maanta golaha odayaasha dhaqankan iyo Midnimada Beelaha Digil iyo Mirifle ayay gabo gabadiisii ka soo saareen qodobo ay ka mid aheyd in guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wefdigiisa dib looga celiyo garoonka Muqdisho kadib markii sida ay sheegeen uu galay fal qiyaano ah oo ka soo horjeeda sharciga u degsan dowladda.

Gudoomiyaha golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Digil iyo Mirifle Saciid Cumar Xaji, Afhayeenka Golahasi Madiyow Maxamed Eftiin iyo Afhayeenka Naadiga dhalinyaradda ee Beelaha Digil iyo Mirifle  Bashiir Maxamed Macalin, dhamaan mas’uuliyiintan ayaa waxay si isku mid ah u cambaareeyeen guddoomiyaha Baarlamaanka iyagoo sheegay in xildhibaanada Baarlamaanku ay go’aan mid ah ka qaataan ka sii mid ahaanshiyaha Shariif Xasan ee golaha Baarlamaanka maadaama uu caqabad ku  yahay horumarka iyo Dowlad-nimada.

Ma ahan markii ugu horeysay ee banaanbaxyo ka dhan ah lagu qabto magaalada Muqdisho kuwaasoo looga soo horjeedo shirka ka dhacay magaalada Nairobi ee ay Q/midoobay soo qaban qaabisay
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”