MR.presdient Returned

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

MR.presdient Returned

Post by FBISOMALIA »

Madaxweynaha Dawlada Puntland Iyo Wafdi Uu Hor Kacayo Oo Maanta Ka Soo Dagay Magaalada Garowe

Image
Garowe ( RBC Radio) Madaxweynaha puntland iyo wafdi uu horkacayay ayaa maanta abaara 12 kii duhurnimo waxa ay kasoo dageen garoonka diyaarada ee magaalada garoowe halkaas oo ay kusoo dhaweeyen madaxweyne kuxigeenka pl gen C/samad cali shire golayaasha dawladda saraakiisha ciidamada iyo dadweyne kale oo aad ufarabadnaa .

Intaas kadib ayaa madaxweynaha iyo wefdigiisuba waxa ay yimaadeen madaxtooyada garoowe waxaa madaxweynaha micrafoonka kusoo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka pl gen cabdi samad cali shire oo warbixin gaaban kasiiyey waxyaabihii kadhacay puntland intii uu madaxweyanuhu kamaqnaa dalka waxyaalaha uu madaxweyne kuxigeenka kawarbixiyay waxaa kamid ahaa falalkii isugu jiray qaraxyada iyo dilalka ee dhawaan kadhacay magaalada gaalkacyo iyo amniga guud ee puntland.

Markaasi kadib ayaa madaxweynaha dawlada PL warbixin dheer kabixiyay qodobadii kasoo baxay shirkii nairobi iyo maamuladii kaqeybgalay waxaana madaxweynuhu sheegay in qodabadii kasoo baxay shirkii nayrobi ay ahayeen kuwo ay kujirtay masalaxada ummadda soomaaliyeed waxaana madaxweynaha dawlada puntland ku tilmaamay shirkii nayrobi in uusan ahayn mid looga qeyb galay kursi raadis balse uu ahaa shir looga hadlayay sidii xal loogu heli lahaa arimaha soomaaliya

Image

Madaxweynaha dawlada ayaa sidoo kale cambaareeyay falalkii kadhacay magaalada gaalkacyo waxaana madaxwaynuhu sheegay in uu aad uga
xunyahay falalkaas oo idil isagoona ugu baaqay bulshada iney kafogaadaan falalka aargoosiga ah ee keeni kara amni kadhalata
puntland

Madaxweyna ayaa ugu dambeyntii kahadley abaaraha xilligaan kajira pl isagoona tilmaamey ineysan wanaagsaneyn in wax laweydiisto hay’adaha marka ay musiibooyinkaan oo kale dhacaan balse loo baahanyahay in allaah laweydiisto raxmaddiisa

Image

Madaxweynaha pl C/raxaan shiekh maxamed maxamuud faroole iyo wefdigiisa ayaa waxa ay kasoo laabteen shirkii ay qaramada midoobey soo agaasimtey kaas oo loogu magacdarey shirka wadatashiga arimaha somalia ee dhawaan lagusoo gabagabeeyey Magaalada Nairobi ee magaalo madaxda dalka kenya shirkaas oo ay kaqeybgaleen Qaar kamida Maamulada kajira dalka somalia sida puntland galmudug iyo ahlu sunna waljameeca waxaana safarka madaxweynaha dawlada puntland uu kusoo aadayaa xilli qaar kamid ah deegaano katirsan puntland ay kajirto xaalad amni daro.

Image
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”