Maamulka Puntland iyo dowladda Malaysia oo iska kaashanaya

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Maamulka Puntland iyo dowladda Malaysia oo iska kaashanaya

Post by FBISOMALIA »

Talaado, Abriil 19, 2011 (HOL) - Wasiirka wasaaradda shaqada,shaqaalaha iyo dhalinyarada Puntland C/wali Indhoguran oo soo gaaray Bosaaso ayaa sheegay in maamulka Puntland iyo dowladda Malaysia ay iska kaashanayaan sidii shaqo abuuris loogu samayn lahaa dhalinyarada ku sugan qaybaha kala duwan ee deegaanada Puntland.

"Masuuliyiintii aan kula kulmay Kuala Lumpur waxaan ka wada hadalnay arimo ku saabsan in iskaashiga labada dhinac kor loo qaado"ayuu yiri wasiirka oo warbaahinta la hadlay.

Waxaa kaloo C/wali indhoguran uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay hormarinta xagga shaqaalaha,iyadoo oo lagu dayanayo dalka Malaysia oo hormar ballaaran gaaray boqolkii sano ee ugu danbaysay.

"Puntland waxa ay ballan qaadyo iskaashi ay ka heshay wadankaasi, maadama arday badan ay waxbarasho u joogaan Malaysia," ayuu hadalkiisa ku daray ,isagoo tilmaamay in dhinaca maamulka waxkasta laga fududayn doono.

Mar wax laga waydiiyay shir uu kaga soo qayb galay dalka Ethopia ayuu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid ay isugu yimaadan wasiirada shaqada ee wadamada ku bohoobay IGAD.

"Qudbad muhiim ah ayaan ka akhriyay shirka ,taasi oo ka hadlaysay hormarka Puntland "ayuu yiri mar kale wasiirka oo xusay in ay IGAD ay caawin doonaan dadka gobolka ku nool.

Masuulkan ayaa sheegay in qudbadiisa ay ku jirtay kaalinta Puntland ay ka ciyaartay la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaaliyeed oo si aad ah u soo xoogaysanayay sanadihii la soo dhaafay.

Ugu danabayntii wasiirka ayaa ka codsaday shacabka in hormarka lagala shaqeeyo dhamaan laamaha dowladda,isagoo si gaar ah u xusay ganacsatada ku dhaqan guud ahaan Puntland.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”