19/04/11-Borama-(Bnn) Gudiga ka soo talabixinta Furashada Xisbiyada Qaranka Somaliland ayaa Hawlahoodii wada tashi la yeeshay Bulshada Rayidka ah ee Noocyadeeda Kala Duwan.
Gudigan ayaa Maanta waxa ay ugu horeyn la kulmeen , Salaadiinta, Cuqaasha, Culumada,Ganacsatada, Dhalinyarada, Iyo Haweenka.
Kulankan Furitaankiisa oo loo ogolaaday Saxaafada ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Awdal Waxa uuna sheegay in ay soo dhawaynayaan Ka maamul ahaan Gudigan inta ay ku sugan yihiin Magaalada Borama.
Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga ka soo talabixinta Xisbiyada Qaranka Somaliland waxa uuna sheegay in ay Gobolkan u joogaan Digreeto Madaxwayne noogu magacaabay si aan uga soo tala bixino Furashada Xisbiyadu ma yihiin kuwo xiligan loo baahan yahay Mise looma baahna, taas oo uu sheegay in ay dadwaynaha noocyadooda kala duwan xog waran la yeelan doonaan, wixii ka soo baxana waxa uu sheegay in ay u gudbin doonaan Madaxwaynaha.
Munaasabadan ayaa hadaladii Markii ay dhamaadeen waxaa Saxaafada La wargaliyay in ay ka baxaan Shirka Maadaama ay tahay Xog warankani mid Qarsoodiya oo aan loo ogalayn doodaha iyo Xogta ay shacabku bixinayaan in ay banaanka u baxdo.
Hadaba Markii arinkaas lagu dhawaaqay ayaa waxaa dhacay Buuq ka yimid qaar ka mid ahaa Oday dhaqameedyadii halkaas iskugu yimid oo uu horkacayay Suldaan Saleebaan Cali, waxa uuna ka biyo diiday in saxaafada Banaanka loo saaro, isaga oo sheegay in ay rabaan in caalamku si cad ula socdo ra’yigayaga aan ka dhiibanayno Arinkan,
Suldaanka ayaa Muran iyo Hadal dhex maray Gudigii waxa uu banaanka uga soo baxay Shirkii, isla waqtigii uu ka soo baxay ayaa waxaa ka daba yimid qaar ka mid ah Gudigii, waxa ayna ku qanciyeen in uu dib ugu soo noqdo madasha ,iyaga oo ku qanciyay in goboladii kale ee ay soo mareen ayna u ogalaan Saxaafada Marka laga reebo Furitaanka, taas oo uu sheegay in xogtan ay ururinayaan ay tahay mid Sir ah, loona baahan yahay in ayna u bixin Banaanka.
Si kastaba ha ahaatee Suldaanka ayaa ugu danbayn ku soo noqday Madashii, hawlihii xogwarankuna si wanaagsan ayaa loo guda galay taa oo ilaa Caawa ka socota Hotel Rays Ee Magaalada Borama."



