Siwaaqroon maxaa Puntland kaga xiran?
Habada haddi aan xuso Deegaanada beelaha Siwaaqroon siiba Dagmooyinka Caluula Iyo Baargaal oo ay ugu dhawaaqeen inay yihiin gobol ka madax banaan Gobolka Bari oo la yiraahdo Raascasayr wax garad iyo Siyaasiyiin ka tirsan Qurba joogta Beelaha Siwaaqroon oo isugu Yimi shir wadanka Sweden 29-31/10/2010 kana soo saareen go,aankaan .
Deegaanada Bariga Fog ee ay dagaan Beelaha Siwaaqroon ayaa ah Degaano Baaxad wayn Waxana lagu qiyaasaa Magaalooyinka Hoosyimaada Labadaas dagmo ilaa 60 Tuulo . dhanka khayraadka deegaanadaasu waa deegaano khayraad fara badan leh sida Khayraadka ku jira Labada Badood ee kala ah Bada Cas iyo Badwaynta Hindiya . Maydiga oo ah geed u gaara deegaanadaaas , Timirta oo deegaanadaasu Yihiin kuwa ugu Badan soomaaliya Beeraha Timirta , Macdano fara badan oo ku jira dhulka , dhul beereedyo baaxad wayn ,
Balse waxaan ka jirin deegaanadaas adoogyo bulsho marka laga Reebo magaalooyinka Caluula iyo Baargaal oo ay ka jiraan adeegyo bulsho haba yaraadeene sida Iskuulo , Ospitaalo , dhanka wadooyinka Waxaa aad u xun wadooyinka ay isticmaalaan shacabka ku dhaqan deegaanadaas baaxada wayn mana jiraan wax taakulo arimo bulsho ah oo ay ka helaan shacabkaasu Maamulka Puntland iyo Hay,ahadaha deeqaha samafalka ah bixiya .
Dhanka awood qaybsiga Maamul goboleedka Puntland ayaan Oran karaa waa mid ay ku dagan yihiin Beelaha Siwaaqroon , Beelaha Siwaaqroon ayaa ah beelo lagu Yaqaano nabad waxayna ka mid yihiin Beelaha ugu badan beelaha Daga gobolka Bari waana beelaha ugu deegaanada Balaaran.
Haddi aan u soo noqdo Shirwaynahaan uga furmay Ergooyinka Beelaha Siwaaqroon Dagmada Baargaal ee gobolka Raacasayr waxaa ka soo baxay Maalinti shalay ahayd Samaynta Gudiyo kala duwan hadaba malaga yaabaa inay soo saaraan Ku dhawaaqista Maamul ka madax banaan Maaamul goboleedka Puntland ?.
Hadaan u soo noqdo dhanka Maamul goboleedka Puntland waxaan oran karaa madaxda Puntland iyagaaba raba in midnimada Puntland wiiqdo Hadaan Tusaale ahaan u soo qaato waxaa u tagay Oday dhaqameedyo ka socda Beelaha Siwaaqroon Madaxwayne Faroole waxayna soo hordhigeen codsiyo ah in deeganada Dagmooyinka Caluula Iyo Baargaal ay xukuumadiisu ugu dhawaaqodo Gobol gobolkaasna la Yiraahdo Raascasayr iyagaoo markaas tixraacaaya dhawaaqii ka soo yeeray shirki qurba joogta Beelaha siwaaqroon , Waxa uu ku jawabaay waxaan u diraayaa wafti kormeer ah oo soo ogaada xaalada Deegaanadaas , waxaa hadaba Su,aal la is waydiiyo ah waxay ansixiyeen golaha wakiilada Puntland Sanadkaan Dagmooyin cusub oo kala ah Gumbax , Iyo Balidhidhin ,
waxaan filayaa Magaalooyinkaan loogu dhawaaqay dagmonimada ayaa ah kuwo aan le,ekayn Tuulo ka tirsan Tuulooyinka Dagmada Caluule oo ay iyada hoos yimaadaan 54Tuulo aana oran karo waa dagmada ugu wayn Soomaaliya .
Hadaba waxaa laga dhawrayaa beelaha Siwaaqroon Shirkooda inay ka soo baxaan go,aano ah ka tashiga Puntland sida ay uga tashadeen Beelaha Dhulbahante oo iyagu samaystay Maamul ka madax banaan labada Maamul ee Puntland iyo Somaliland , Madaama aysan dalka ka jirin dawlad dhexe oo u adeegta shacabka waxaa la gudboon beelaha Siwaaqroon inay Talo wax ku oola ka soo saaraan Shirkaas .
Maamulka Puntland ayaa ah mid hada ay aad u wiiqday awoodiisu dhan kastaba waana mid ku kooban u adegida in kooban oo ka tirsan Puntland , haddi ay sidaas tahay ka sii mid ahaanshaha Deegaaanada gobolka Raascasayr Maamulka Puntland waa mid aan macne buurani ku jirin oo la oran karo waa uun magac u yaal madaama aan deegaanadaas Puntland waxba ka ogayn Maamulkeeduna uusan gaarsiisnayn .
Qormadii Suldaan Idiris
Fikradan waxay gaar u tahay qoraaga
Allcaseyr .net