AUN Sh Maxamud Sh Cabdulaahi Aw-Cali

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

AUN Sh Maxamud Sh Cabdulaahi Aw-Cali

Post by grandpakhalif »

Alaha u naxariistee Sh Maxamud Sh cabdullahi Aw-Cali waxaa uu dhashay sanadkii 1925, waxaaana uu ku dhashay gobolka Gedo deegaanka loo yaqaan Garbbo. Allaha u naxariisto,isagoo aad u da’yar ayuu bilaabay inuu raadsado barashada diinta Islaamka, isagoo u xireystay gobolada Bay iyo Bakool oo waagaas loo doonan jiray barashada diinta Islaamka gaar ahaan xifdinta Quraanka kariimka ah .



Xifdintii quraanka ka dib Sheekhu wuxuu saldhigtay degmada Baardheere isagoo halkaa ka bilbaaby barshasha culuumta axkaamta iyo fiqhiga. Sh. Maxamaud, ilaahay ha u naxiriiste wuxuu dib ugu noqday degaankii Gedo isagoo weli nin da’yar ah oo xaafidu quraan ah isla markaasna heer fiican ka gaaray barshada culuumta islaamka qaybaheeda kala duwan. In mudda ahna Sh Maxamud markii uu soo dhamaystay daalacashada diinta Islaamka waxaa uu dib ugu soo noqday miyiga gobolka Bay oo laga baran jiray xafididda quraanka.


K a dib markii uu Sheekhu soo dhamaystay barashada diinta Islaamka waxaa uu dib ugu soo noqday deegaankii uu ka tagay isagoo da’yar. Ka dibna waxaa uu gacan yare u noqday aabihii iyo walaalkii Sh Maxamed Sh C/laahi oo markaas ahaa nabadoonka guud ee beesha Reer Garaad. Xilligaas uu Sh Maxamud degaankii ku noqday oo qiyaastii ku beegnayd intii u dhexeysay 1952-54, waxay ku aaddanayd xilligii allaha u naxariistee aabbihii Sh Cabdullahi iyo Ugaas Xirsi ay qaadaceen in ay aadaan degmada Luuq oo ay baago (mushaar) ka doontaan Talyaani. Iyadoo muddo laba sano ka badan aysan degma luuq tagin Ugaas Xirsi iyo Sh Cabdullaahi, ayuu talyaanigu isugu yeeray salaaddiintii qabaa’ilka si loo diiwaangeliyo aqoonsi cusubnna u siiyo. Allaha u naxariisto Sh Cabdullahi waa ka dhaga adaygay in uu aado degmada Luuq oo uu Talyaani horfariisto.


Cuqaashii jufada Reer-Garaad oo aan ka xusi karnno allaha u wada naxariistee Maxamed Cabdulle Maxamed, Cabdi Cadille, Maxamed Yusuf Dinix, Sh Axmed Carab iyo kuwa kale oo aan magacyadooda halkaan lagu soo koobi karin ayaa ergo ugu yimid Sh Cabdullahi Aw-Cali iyagoo weydiistay mar haddii uusan isagu Talyaani iyo Luuq aadayn uu wiilashiisa mid ku daro oo u igmado masuuliyadda qoyska. Sida la sheegay ergadii waqti aan yarayn ayey ku qaadatay in ay Sheekh Cabdullahi ku qanciyaan dalabkoodka, ugu dambayntii wuxuu aqblay in uu Sh Maxamuud Sh Cabdullahi xilkaas u igmado kuna daro ergadii si ay u geeyaan degmada Luuq. Sidaas ayaa loogu caleemasaaray hoggaanka beesha Reer-Garaad sanadku markuu ahaa 1955.


Sh Maxamud Sh C/laahi muddadii dheerayd ee uu xilka hayey waxaa uu caan ku ahaa caadilnimo, nabad jacayl, dulqaad, deeqsinimo iyo faafinta Diinta Islaamka. Sh Maxamuud Allaha u naxariisto wuxuu jeclaa in uu mar walba wixii mushkilad iyo khilaafaaka dadka dhexdiisa ah ku xalliyo shareecada Islaamka oo uu mar kasta ka doorbidi jiray xal- dhaqameedka caamka ka ahaa geyiga uu ku noolaa.






Waxyaabaha sida gaarka loogu xusuuto Sh Maxamud Sh Cabdullahi



Xagga Nabadda iyo Islaaxa Dadka Dhexdiisa:


Ilaahay ha u naxariisto, Sh Maxamud wuxuu ahaa shaqsi nabadda iyo islaaxa dadka dhexdiisa waqti iyo dadaal badan gasho. Masuuliyaddiisu ma ahayn mid ku kooban beesha uu nabadoonka u ahaa ee wuxuu lahaa aragti fog oo uu dadkoo dhan ugu dhexeeyo si cadli ahna uu ugu garqaybin jiray. Dhacdooyin badan oo uu xalkooda horseeday ka sokow, waxaa si gaar ah loogu xusuusan karaa:


· Kaalintii lama ilaawaanka ahayd ee uu ka qaatay suluxii iyo nabadeyntii colaaddii foosha xumayd ee dhexmartay beeshiisa guud iyo beel ka soo jeedda jubbada hoose sanadkii 1988. Ummadda geyigaasi waxaysan iloobi doonin kaalintii ikhlaaska iyo caddaaladda ku salaysanyd ee uu ka gaystay gogoshii degmada Baardheere la fidiyey ee lagu soo afjaray fidnadii degaanka iyo dadka walaalaha dhextiillay.


· Waxaa kaloo in badan ay ku xasuustaan khilaaf bixintii iyo gogoshii uu dhigay magaalada Ceel-Cadde sanadkii 1998 ee lagu daminayey colaadihii ka aloosnaa guud ahaan gobolka Gedo, ee u dhaxeeyey xoogagii SNF iyo Al-itixaad kuwaas oo galaaftay dhallinyaro iyo waxgrad badan. Sh Maxamud iyo dadka deegaanka Ceel-Cadde waxay ku guulaysteen inay joojiyaan colaaddii galaafatay nolosha dad badan oo Islaam ah


· Hogaankiisa suuban waxaa uu suurtagaliyey in degmada Ceel-cadde ay noqoto deegaanka kaliya ee aan waligiis dhiig islaam iyo mid kalaba lagu daadin isla markaasna aan qofnna lagu dhicin ama lagu furan. Sheekhu wuxuu Dadkiisana mar walba kula dar-daarmayey inay mar walba nabadda qaataan xitaa haddii laga gar daran yahay. Sh Maxamud Sh C.laahi waxaa uu ku guulaystay in umadda uu nabadoonka u ahaa laga nabadgalo, iyagana la nabad geliyo ayna, isla markaasna lagu magacaabo deegaankooda “baladul-amiin”.


Xagga Waxbarshada iyo Horumarka

Ilaahay ha u naxariisto, Sh Maxamuud wuxuu ahaa qof jecel horumarinta iyo fidinta waxbarashada diiniga iyo tan maaddiga ahba. Wuxuu u howlgalay isagoo kaashanaya waxgaradkii kale ee beesha sidii u degaamayn lahaa saldhig waxbarashana ugu samayn lahaa bulshada isagoo hormuud ka noqday aasaaskii degmada Ceelcadde, dhismihii iyo dhiirigelintii dugsiyada lagu barto culuumta islaamka iyo kuwa maaddiga ahba. Sh Maxamud, wuxuu geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay sidii uu bulshadiisa ugu wacyigelin lahaa barashada iyo fidinta diinta Islaamka iyo horumarinta waxbarashada maaddiga ah.


Ka sokow, fidinta iyo dhiirigelinta waxbarashada, Sheekhu wuxuu cimrigiisa inta badan galiey in uu arday ahaado oo culuumta islaamka uu u fariisto meel kasta oo uu xaraf ka siyaadsan karo.

Sh Maxamud Sh C.laahi waxaa uu ahaa deegsi mar walba jecel inuu qof walba wax siiyo, marti sooro, agoontana mar walba ka dardaarma dhaqaaleeyana. Ilaahay ha u naxariisto wuxuu adduunka ka tagay isagoo taqqi ah oo sharfan, eed sokeeye iyo mid kalaba aan qabin.


Allaha u naxariistee Sh Maxamud Sh C/laahi Aw-Cali waxaa uu ifka kaga tagay 78 qof oo isugu jira wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”