Mas’uuliyiinta DKMG ee Gedo oo sheegay inay weerar ku yihiin Shabaab
Balad Xaawo: (Sh. M. Network) Maamulka dowladda KMG Soomaaliya ee degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay weerar ku yihiin degmooyin ka tirsan gobolkaasi oo ay ku sugan yihiin Xarakada Al Shabaab.
Wararka saakay imaanaya degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in xiisad u dhaxaysa Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Al Shabaab laga dareemayo meelo badan oo ka mid ah gobolkaasi.
Wararka lagu kalsoonaan karo oo ay Idaacadda Shabelle ka halayso gobolkaasi ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugnaa degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo qaarkood ay u jihaysteen degmooyinka Garbahaareey iyo Baardheere oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Xarakadaa Al Shabaab.
Max’ed Cabdi Kaliil oo ah gudoomiyaha Maamulka dowladda KMG ee gobolka Gedo oo xalay waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waaa uu xaqiijiyay in Ciidamadooda ay weerar ku yihiin degmooyinka Garbahaareey iyo Baardheere oo maalmihii u dambeeyay ay Ciidamada Shabaab ay isku urursanayeen.
Gudoomiyaha waxaa uu sheegay in degmmoyinka ay weerarka ku yihiin ciidmadaooda Shabaabka ay wadaan dhibaatoo uu sheegay inay ku hayaan shacabka ku dhaqan degmooyinka ku yaala gobolka Gedo, isagoo sidoo kale tilmamay in degmooyinka Garbahaareey iyo Baardheere Shabaabka ay bililiqo ka gaysteen sida uu hadalka u dhigay Max’ed Cabdi Kaliil.
Marka laga soo tago Xiisadda dagaal ee saakay laga dareemayo degmoooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Gedo ayaa waxaa jira cabsi xoogan oo lasoo daristay dadka ku dhaqan degmooyinka Garbahaareey iyo Baardheere oo la sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda KMG ay ku wajahan yihiin
Breaking news ciidanka Jubaland oo u dhqaaqay Garbaharey iyo
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 527 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 403 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 1 Replies
- 364 Views
-
Last post by zingii
-
- 4 Replies
- 550 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 11 Replies
- 1485 Views
-
Last post by Keyse_0208
-
- 2 Replies
- 483 Views
-
Last post by ibrahimcw
-
- 9 Replies
- 913 Views
-
Last post by union
-
- 1 Replies
- 490 Views
-
Last post by ibrahimcw
-
- 32 Replies
- 2769 Views
-
Last post by Mustafee101