yeman can affect us

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

yeman can affect us

Post by FBISOMALIA »

Image

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Jeneraal Cabdisamad Cali Shire ayaa sheegay in rabshadaha ka soconaya qaybo badan oo kamid ah wadanka Yeman ay saameyn weyn ku yeelan karaan Puntland.

Jeneraal Cabdisamad ayaa sheegay in saameynta ay rabshadaahi Puntland ku yeelan karaan ay tahay in dad badan oo u dhashay wadanka Yeman ay u soo qaxi karaan Puntland taasina haraanti ay ku dhufan karto amnigii iyo kala danbeyntii ka jirtay Puntland.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ayaa hadalkaan ka sheegay xili uu kormeer ku maraayey Dekedda weyn ee Bosaso iyo garoonka diyaaradaha ee Bandar-qaasim.

Qalalaasaha ka soconaya wadanka aanu jaarka nahay ee Yeman waxay nagu yeelaneysaa saameyn xun oo wax u dhimi karta amniga….”ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale sheegay Jeneraal Cabdisamad in dadkaasi ay isugu jiraan kuwa wanaag u socda iyo kuwa kale oo xumaan u socda balse loo baahan yahay in il gaar ah lagu eego.

Si kastaba ha ahaatee hadalka Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Jeneraal Cabdisamad Cali Shire ayaa kusoo beegmaya xili uu shalay sheegay in xaalada wadanku uu marayo meeshii ugu xumayd ayna jiraan dad cadow ku ah Puntland.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”