Abu Dhabi, (Qaran news)- Sida intiinnii maanta akhriday Qaran news aad ku akhrideen war aanu baahinay oo ku saabsanaa in Amiirka Ra’sal Khaymah ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo uu wehelinayo Al-jaabiri ay shalay kulan kula yeesheen waftiga Madaxweyne Siilaanyo huteelka Hilton, kana wada hadleen sidii xidhiidhka labada dal loo adkayn lahaa iyo sida heshiisyadii labada dawladood hore u wada galeen u sii socon lahaayeen.
Haddaba waxa jira warar dheeraad ah oo ka soo baxay ilo xog ogaal ah iyo dadka u dhuun dalloola weftiga Madaxweynaha oo sheegaya in kulankaasi u dhacay si ka baxsan habka maamuuska madaxda dalalku isu qaabilaan oo uu si badheedh ah Chief-of-Cabinet-ka Madaxtooyaddu, mudane Xirsi Cali X. Xasan uu madaxweynihii hadalkii uga boobay oo uu jebiyey boratakoolkii oo uu isagu madaxdii carbeed ee madaxweynaha la kulmayey hadallo ku tuur tuuray taas oo ka fajicisay madaxdii iyo dadkii goobta ku sugnaa sidaa darteedna uu Xirsi u soo jiidday Madaxweyne Siilaanyo iyo shacabka Somaliland ceeb iyo magac xumo aan hore u dhicin qarnigan cusub.
Fadeexadii iyo weji gabaxii ka qabsaday weftigii Madaxweynaha markuu la kulmay Amiirka Ra'sul Khaymah oo faah-faahsan iyo sidii wax u dhaceen halkan ayaannu idiinku soo koobnay waana tan.
Weftigu markii ay hor tageen Sheekha salaan ka dib la is waraystay, waxa Amiirku uu kala hadlay weftiga xidhiidhkii hore ee ka dhaxeeyay Somaliland iyo Ra'sul Khaymah, isagoo u sheegay in sannadkii hore uu Madaxweynihii Somaliland Daahir Rayaale aabihii oo xanuusanaya amiirka waqtigan uu dhakhtarka ku soo booqday, uuna jecel yahay in xidhiidhkaasi la xoojiyo, hadaba sida protocolku yahay, Amiirka waxa u jawaabaya oo keliya Madaxweynaha Somaliland, markiiba waxa hadalkii qaatay mudane Xirsi X. Xasan oo wax aan loo fadhiyin ka sheekeeyay, isla markaana ay is eegeen uun nimankii carabta ahaa, intaa ka dib mid ka mid ah raggii sheekha la fadhiyey ayaa si kaftan ah ugu yidhi, Madaxweynaha si fiican baad ugu soo dhoweysay shirka, arrintaasi ka dib, waxa loo dhaadhacay ajendihii shirka kaasi oo isna weji gabax kii hore la mid ihi ka dhacay isla goobtii.
Sheekha Ra'sul Khayma wuxu Madaxweynaha u sheegay in Somaliland ay mashaariic ka fuliyeen ka dawlad ahaan , dawladii horena la galeen heshiis uu ka mid yahay, qaybta balaadhinta Maxjarka Berbera, iyo block ka mid ah kuwa Saliidda oo qodistiisa ku hawlanaayeen siday u fulin lahaayeen, markuu halkasi marayo Sheekhu, ayuu hadana Mudane Xirsi soo booday, oo uu yidhi wixii dawladdii hore aad la gasheen waa waxba kama jiraan oo dastuurku ma ogola, halka Madaxweyne Siilaanyo uu raaciyey oo keliya arrintaasi waan isla eegaynaa, Sheekii Rasul Khaymaa wuxuu ugu jawaabay annagu dawlad baan heshiis la saxeexanay aduunkuna waa sidaasi, dastuurka dalalka kale annagu ma akhrinno. Waxa dhacday in Shirkii lagu kala kacay oo sidaasi lagu kala tegay kulankiina ku dhammaaday natiijo la’aan.
Goobtaas waxa ka dhacday borotocol xumadii abid dawlad Somaliland ahi ku kacdo oo ay ku kaceen kooxda Siilaanyo hogaaminayey iyo iyagoo isla markaana weji gabax kala kulmay qaabilaadii Sheekha Ra;sul Khaymah. Nimankii carbeedna iyagoo yaaban bay ka kaceen meeshii.
Arrintan ayaa waxa hore u sii sheegay inay dhacayso Boqorka reer Somaliland, Boqor Cismaan Aw-Maxamuud (Boqor Buurmadow) oo sheegay inay madaxweynaha koox aan waxba la soconi ku xeeran yihiin oo ku qaadhaan urursanayaan madaxweynahana magacii ka dileen oo loo baahan yahay in kooxdan madaxweynaha laga xoreeyo.
Warkaas ayaa xaqiijinaya fadeexadaha iyo ceebaha uu maalin walba mudane Xirsi u soo jiido Madaxeynaha iyo Somaliland taas oo dadku aad ula yaabban yihiin oo is weydiinayaan sababta uu Siilaanyo wax uga qaban waayey. Intii Madaxeynuhu joogay Imaaraadka ayaa waxa la soo xidhiidhay laanta Afka Somaliga ee BBCda oo rabtay inay ka waraysato afhayeenka madaxweynah booqashadiisa iyo halka wax u marayaan. Waxa u diiday Cukuse inuu la hadlo BBCda mudane Xirsi oo isagu BBCda uga warramay socdaalka weftiga.
Dhanka kalena hab dhaqankaasi xun ee Xirsi ayaa dhammaan waxa cabasho ka muujiyey golaha wasiirada iyo madaxda xukuumada Siilaanyo oo sheegay inay shaqadoodii ka gudan kari waayeen Xirsi oo intaas amarro iyo waraaqo ka dul keenaaya oo fara gelin badan ku haya hawlahooda taas oo Siilaanyona ka gaabsaday inuu wax ka qabto. Xirsi ayaa u muuqda shakhsiga xukuumada Siilaanyo soo cimri dedejinaya haddaan Siilaanyo tallaabo ka qaadin dhowaan.




