new galgacio

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

new galgacio

Post by FBISOMALIA »

Galkacyo(Puntlandi.com);- Magalada Galkacyo ayaa gashay waji cusub oo isugu jira isbadal lagu sameeyay mamulka iyo ciidamo & saraakiisha usaraysa Policka Dawlada oo Gobolka ku sugan kana wada hawlgalo sugida amaankaa.

Waxaa habeenadii udanbeeyay magalada laga dheehan karay isbadalka lagu sameeyay waxaana xaafadaha iyo wadooyinka wawaayn ee magalada lagu arkayay ciidamo gaashaaman iyo saraakiisha Policka kuwaa oo wada hawlgalo amaanka lagu xaqiijinayo.

Ikastoo ay dhaceen dilal hadana laamaha amaanka iyo mamulka waxaa ay xusulduub ugu jiraan sidii amaanka magalada gacanta loogu dhigilahaa waxaana taa bar bar socda shacabka Gobolka oo u soo jeestay sidii ay gacan u siinlahaayeen laamaha sugida amaanka.

Hogaanka cusub ee Gobolka loo soo magacaabay ayaa sheegay in ay laiman doonaan qorshe cusub oo loogu talagalay sugida amaanka iyo hormarinta Gobolka.

Warar hordhaca ayaa sheegaya in gudigan isbadal ku samaynayaan meelkasta iyo shaqaala kasta oo ay u arkaan in ay haboontahay in labadalo taa oo looga goleeyahay hormarinta Gobolka.

Waxaa heegan lagaliyay guud ahaan ciidamada Policka iyo saraakiisha Gobolka kuwaa oo amar lagu siiyay in ay u istaagaan sugida amaanka iyo gacan ku soo dhiga shaqsiyaadka caadaystay gaysashada falalka amaandaro.

Guud ahaan shacabka Gobolka Mudug ayaa soo dhaweeyay isbadalka lagu sameeyay mamulka Gobolka waxaana saraakiisha la soo magacaabay kula taliyeen in ay layimaadaan qorshe kabadalan kii uu ku fashilmay mamulkii hore.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”