Dufcadii 9-aad Dugsiga Sare Sheikh Xamdaan Binu Raashid

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Dufcadii 9-aad Dugsiga Sare Sheikh Xamdaan Binu Raashid

Post by FBISOMALIA »

Image

Dufcadii 9-aad ee sanad dugsiyeedka 2010-2011 ayaa ka qalanjebisay Dugsiga Sare ee Sheikh Xamaan Binu Raashid ee magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Xaflad balaaran oo si weyn loo soo qabanqaabiyey ayaa lagu qabtay xarunta Iskuulka ee Bosaso,waxaana kasoo qaybgalay macalimiin,waalidiin,ganacsato,culuma’udiin iyo marti sharaf kale.

Dufcadaan ayaa ardeyda ka qalanjebisay sanad dugsiyeedkaan ay gaarayaan 109-ardey oo isugu jira wiil iyo gabdho muddo wax ka baranaayey dugsig sare ee Xamdaan Bosaso

Image

Xaflada ayaa gacan weyn waxaa ka geystay Shirkadaha Telocom Puntland iyo Golis ay munaasabada ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac.

Guddoomiyaha ardeyda Xasan Muuse Nuux oo ka hadlay xaflada ayaa sheegay in maanta ay si weyn ugu faraxsanyihiin in ay noqdaan dufcadii 9-aad ee ka baxda dugsiga,wuxuuna sheegay in ardeydu aysan waxbarashada halkaasi aysan kaga harin oo ay si wataan.

Mas’uuliyiin kala duwan oo munaasabada ka hadlay ayaa dhamaan ardeydii qalanjebisay kula dardaarmay in wixii ay barteen uga faa’ideeyaan dadkooda iyo dalkoodba.

Si kastaba ha ahaatee ardeydaan ayaa noqonaya dufcadii 9-aad ee ka baxda dugsiga Xamdaan Binu Raashid ee Bosaso,waxayna xafladu kusoo dhamaatay jawigii loogu talagalay.

Cabdirashiid Karaama
Horseed Media
Bosaso-Puntlant
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: Dufcadii 9-aad Dugsiga Sare Sheikh Xamdaan Binu Raashid

Post by udun »

Maasha'Allah.

Boosaaso and reer Boosaaso ==> the hope of Somalia.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”