Barre Hiiraale oo bad baaday iyo Saraakiil Muhiim u ahaa Cad

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Barre Hiiraale oo bad baaday iyo Saraakiil Muhiim u ahaa Cad

Post by grandpakhalif »

Wakalaadda Wararka SomaliMeMo ayaa faah faahin ka heshay khasaaraha cadawga kasoo gaaray weerar culus oo maanta ka dhacay duleedka degmada Beled Xaawo ee wilaayada Gedo.



Saraakiil sar sare oo katirsan maleeshiyaadka Itoobiya tababarada kusoo qaatay ayaa ku hoobtay Kamiin ama dhabagal ay ciidamada Mujaahidiinta wilaayada Gedo u dhigeen kolonyo maleeshiyaad ah oo ku socdaalayay wadada iskun xirta Carra Carre iyo Beled Xaawo.



Mas'uul katirsan mujaahidiinta ayaa Wakaaladda SomaliMeMo u sheegay in 8 Sarkaal oo muhiim ah ay ku bakhtiyeen howlgalkii maanta waxaana si dirqi ah ku bad baaday Dagaal Ooge Barre Adan Shire Hiiraale oo hogaaminayay kolonyada labeegsaday.


Xogtan aan helnay waxay xaqiijinaysaa in uu bakhtiyay Sarkaalkii ku xigay Barre Hiiraale oo lagu magacaabi jiray Geelle Guuleed Faarax,Korneel Daahir Maxamuud Cali iyo Korneel Baashe sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay.


Khasaaraha cadawga soo gaaray ayaa intaasi kabadan balse weli nooma suuragelin in aan soo helno magacyadooda oo dhameystiran.

http://somalimemo.net/index.php?option= ... 48:wararka
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”