http://www.togaherer.com/2011/04/26/mad ... ak-kuwayt/
I couldn't help but also post the article below which was posted in qarannews in regards to the Kuwait trip. Bal compare the article below and what actually went down in Kuwait
Dawlada Kuweyt oo Shuruudo Adag ku Xidhay Booqashada Madaxweyne Siilaanyo iyo Wefdigiisa
Written by Qaran news
Apr 25, 2011 at 06:05 AM
Wasiir ku Biiri Doona Socdaalka Madaxweynaha ee Dalka Kuweyt iyo Kulan Maanta Dhexmari Doona Madaweyne Siilaanyo iyo Sheekha Haya’dda BISHA CAS
Abu Dhabi(Qaran news)-Dawlada Kuweiyt, ayaa shuruud uga dhigtay booqasho ay dalkeeda ku yimaadaan Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno wefigiisa ka mid ah Passport-ka dawlada Soomaaliya, sidoo kalena, waxay xadiday tirada xubna wefdiga oo ay ku soo koobaan Afar xubnood oo Madaxweynuhu ku jiro.
Sidaana waxa Wargeyska "Yool" u sheegay ilo-wareedyo looga qaateen ah oo u dhuun daloola dhaqdhaqaaqa wafdiga Madaxweynaha kuna sugan Imaaraadka Carabta.
Haddaba, sida wararku sheegayaan booqashada la filayo in Madaxweynaha iyo wefdigiisu ku tagaan Kuweiyt, ayaa Haweenayda wefdiga u waday safarka dalka Kuweiyt oo lagu magacaabo Sara Akbar, waxay wefdiga ku wargelisay in ilaa iyo hadda aanay Aamiirada dalka xukuma ka helin dariiq u bannaynaya wefdiga inay dalka ku yimaadaan safar maqaamkiisu sareeyo, waxaanay intaa ku daratay in fursada kaliya ee hadda u banaani ay tahay in Madaxweynaha iyo Afar xubnood oo wefdiga ka mid ah, isla markaana haysta Passport aan ahayn kan Somliland ay si caadi ah u iman karaan.
Saara Akbar, oo ah Madaxa Hay’adda kuweit Energy, waxa kaloo ay u soo bandhigatay Madaxweynaha in aan dawlada Kuweit ogolayn in dalkeeda lagu yimaado passport-ka Somaliland, balse ay raali ka tahay haddii wefdigu sito Passport-ka Soomaaliya, ama’se Passport-kale oo ajnabiya.
Sidoo kale waxa Haweenaydaasi la socod siisay wefdiga in caqabada kale ee booqashadooda Kuweit ay tahay tirada xubnaha wefdiga oo badan. Sidaas darteedna ay u soo jeedinayso hogaanka wefdiga in wefdiga dhinaca dalka kuweit u soo bixi doona laga dhigo Madaxweynaha iyo Saddex xubnood oo kale oo kaliya.
Dhinaca kale, ilahaasi tibaaxeen in xubnaha loo qoondeeyey inay Madaxweynaha u raacaan dhinaca dalka Kuweit uu ka mid yahay Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi, oo sida la sheegay la rajeynayo inuu Maanta ama Beri dalka ka dhoofi doono si uu u gaadho inta aan la gaadhin Maalinta Saalasada oo ah waqtiga Madaxweynaha loo qoondeeyey inuu u baqoolo dalka Kuweit, waxa kaloo iyagana la filayaa inay noqon doonaan xubnaha kale ee Madaxweynaha u raaci doona Kuweit Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Chief-of-Cabinet-ka iyo xubin kale oo aan iyada ilaa iyo hadda la carabaabin.
Geesta kale, waxa wararka naga soo gaadhaya Imaaraadku sheegayaan, waxa la filayaa in Madaxweynaha iyo xubno ka mid ah wefdigiisu ay maanta kulan la yeelan doonaan Madaxa Hay’adda Bisha Cas Sh. Xamdaan oo ka mid ah Wiilasha uu dhalay ilaahay-ha-u-naxariistee Sh. Sayid Binu Suldaan Al-nahyaan oo ahaa Madaxweynihii hore ee Imaaraadka Carabta, waxaana wararku sheegayaan in Ajandaha Madaxweyanahu kala hadli doono Sh. Xamdaan ay ka mid yihiin sidii dhaamam biyo xidheeno ah loogu samayn lahaa Gobolka Togdheer iyo ceelal biyood laga qodo deegaano ka tirsan Bariga Somaliland.
Wargyska Yool

