Saddaam Xuseen oo sheegaya in uu nool yahay - a new Voice

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Saddaam Xuseen oo sheegaya in uu nool yahay - a new Voice

Post by udun »

Cod cusub oo la sheegay in uu yahay Saddaam Xuseen oo sheegaya in uu nool yahay oo lagu faafiyey barta internetka (DHAGEYSO).


Barta internetka ayaa lagu faafiyey cod lagu sheegay in uu yahay Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saddaam Xuseen ee la daldalay sanadkii 2006-dii.

Codka la sheegay in uu yahay Saddaam Xuseen ayaa qofka hadlaya waxa uu sheegayaa in uu yahay Saddaam Xuseen uuna weli nool yahay, qofkii la daldalaynaya uu ahaa qof asaga u ekaa oo lagu magacaabi jiray Miikhaa’iil.

Saxiifad ka soo baxda dalka URDUN laguna magacaabo Assawsana ayaa maanta oo Arbaco ah war ay ku faafisay webkeeda Internetka ku sheegtay in ay heshay wadahadal taleefoon oo dhex maray Saddaam Xuseen iyo Xasan Calawi oo ah nin aad ugu dhowaa Saddaam Xuseen Saaxiibo dhowna ay ahaayeen xiligii Axmed Xasan oo asagu ahaa Madaxweyne horay usoo maray dalka Ciraaq.

Qofka sheeganaya in uu yahay Saddaaam Xuseen ayaa si aad ah ugu adkaysanaya in uu yahay Saddaam Xuseen waxana hadaladiisa ka mid ah “ Khaa’in, Jaasuus iyo daanyeer ka mid ah daanyeerada Gumaysigu kuma dhiiran karo in ay gacantiisa gaarto timaha Saddaam”.

Qofka hadlaya ayaa ku dhaartay Ciraaq iyo dhaawaca Ciraaq in uu gubi doono oo uu dhulka la simi doono goobta loo yaqaano khadka Cagaaran ee ku taal Baqdaad caasimadda dalka Ciraaq, goobtaas oo ah goob amaankeeda aad loo adkeeyey waxana ku yaala goobtaas saldhiga ugu weyn ee ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalka Ciraaq iyo sidoo kale Safaaradaha Ajnabiga iyo xafiisyada maamulka Nuuril Maaliki, waxana uu ku dhaartay in uu ka dhigi doono Goob la guduudata dhiigga khawanada.

Qofka hadlaya ayaa yiri “laga bilaabo maanta waxaa dhaqaaqi doona ciidanka xoraynta dalka Ciraaq si ay u badbaadiyaan mabaadi’da reer Ciraaq iyo sharafta gabdhaha Ciraaqiyiinta ah ee ay ku ciyaareen kuwa la baxay Xizbiga Al Dacwah iyo Kurdiga khaa’iniinta ah”

Ciidamada Maraykana ee ku sugan dalka Ciraaq ayaa 6-dii Dec 2003-dii sheegay in ay gacanta ku dhigeen Saddaam Xuseen, ka dibna maxkamad qaadatay Sadex sano ayey xukuumadda Ciraaq ee ay soo dhisteen reer galbeedku sheegtay in ay Saddaam Xuseen ku fulisay xukun daldalaad ah taariikhdu markii ay ahayd 31 Dec 2006, taas oo waafaqsanayd maalintii ugu horaysay ee Ciidul Adxaa Al Mubaarak.

Xiligaas ayaa la faafiyey Film laga duubay Daldalaadda, wixii ka dambeeyey xiligaasna waxaa isa soo tarayey hadalhaynta ah in Saddaam Xuseen uu nool yahay qofka la daldalayna uu ahaa Shabiih “Qof u eg Saddaam”.

Barta Internetka ayaa goor sii horaysay lagu faafiyey is barbardhig lagu sameeyey Sawir laga soo qaaday xiligii ay dhacaysay daldalaaddu iyo sawir hore oo uu lahaa Saddaam Xuseen, waxana ay khubaro isku howlay arinkaasi ay xiligaas sheegeen in kala duwanaasho muuqata ay u dhaxayso sawirka qofka la daldalay iyo sawiradii hore ee Saddaam Xuseen.

Qofka hadlaya ee sheegaya in uu Saddaam Xuseen yahay ayaa yiri “Waxaan ku dhaaranayaa Allaah in Filimkii la sheegay in uu ahaa Aniga oo la i daldalayo aanan ahayn aniga , waxana uu ahaa qofka la daldalay Saaxiibkay “RafiiQ” Miikhaa’iil, maalmaha soo socday ayaa la ogaan doonaa in Saddaam Xuseen uu nool yahay uuna yahay Hogaamiye weyn oo hogaamiya ummad aad u weyn”.

Saxiifadda Assawsana ayaa sheegtay in aysan si rasmi ah u sugi karin in qofka hadlaya uu yahay Saddaam Xuseen waxana ay sheegtay in aysan mas’uul ka ahayn wixii la xiriira arinkaas.

Halkan hoose ka dhageyso Codka la sheegay in uu yahay Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saddaam Xuseen.


http://www.assawsana.com/portal/newsshow.aspx?id=48085
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: Saddaam Xuseen oo sheegaya in uu nool yahay - a new Voic

Post by udun »

I kinda laughed 1st when I read this story and tought it is impossible, but the reasons I posted here is back in the days when Saddam was incarcerated, I remember some people stating that the guy in custody is not Saddam but one of his doubles. Even his American interrogators were not, in the beggining, sure if they had the right guy or if Saddam was playing games with them. Whatever the case, this story makes the whole case interesting.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”