BREAKING NEWS Shiskabab in Garbaharey pardoned

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

BREAKING NEWS Shiskabab in Garbaharey pardoned

Post by CoolPoisons »

Maamulka Gobolka Gedo oo Ku Dhawaaqay in Cafis ay u Fidiyeen Tageerayaashii Shabaab ee ku Haray Garbahaarey

Beledxaawo (RBC) Gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo maanta markii ugu horeysay gaarey degmada Garbahaarey ee xaruntii gobolka ayaa ku dhawaaqay in ciidamada DKMG iyo kuwa Ahlu Suna ee maanta la wareegay magaaladay aysan dhibaateyn doonin xubnaha ka haray taageerayaasha Al-Shabaab ee ku haray Garbahaarey.

Maxamed Cabdi Kaliil oo maanta markii uu tegey magaalada Garbahaarey khadka telefoonka kula hadlay RBC Radio ayaa sheegay in cafiskan ay ka faa’ideysan doonaan oo kaliya cidii ka fariisata qaska iyo carqaladeynta amniga isla markaana ka harta taageerida kooxaha fawdada wada, sida uu yiri.

Wuxuu intaa ku daray gudoomiyaha gobolka Gedo in sidoo kale DKMG horey u sheegtay inaysan waxba u raacan doonin cidii ka tirsaneyd dagaalyahanada Al-Shabaab ee hubka iska soo wareejisa kana mid noqota dadweynaha, wuxuuna intaa sii raaciyey in lacag ay ugu bedeli doonaan hubkooda.

Hase yeeshee wuxuu Kaliil ku goodiyey in aysan ka hari doonin kuwa weli dagaalamaya ee ka tirsan Al-Shabaab isagoo sheegay in ciidamada DKMG iyo kuwa Ahlu suna ay hadda u jiheysteen degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo ah labada degmo ee kaliya ee ka tirsan gobolka Gedo ee weli ku harsan gacanta Al-Shabaab.

Baaqa cafiska loogu fidinayo taagerayaasha Al-Shabaab ayaa ku soo beegmay iyadoo saaka si fudud ay ciidamada DKMG kula wareegeen degmada Garbahaarey ee xarunta u ahayd gobolka Gedo, taasoo sababtay in dad badan oo aragti ahaan raacsanaa afkaarta Al-Shabaab iyo dad la shaqeyn jirey ay ku go’doomeen magaalada kuwaasoo ka cabsi qaba in la beegsado iyaga.
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: BREAKING NEWS Shiskabab in Garbaharey pardoned

Post by zingii »

Hadal kartiyeed by MR.Kaliil. :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”