Shabaabka Gedo oo khilaaf soo kala dhexgalay »

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Shabaabka Gedo oo khilaaf soo kala dhexgalay »

Post by CoolPoisons »

Wararka ka imaanaya deegaanno ka tirsan gobolka Gedo ayaa sheegaya in khilaaf xooggan uu soo kala dhexgalay maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan furumaha dagaalka ee gobolka Gedo.

Khilaafka soo kala dhexgalay Shabaabka ayaa yimid, kaddib markii maleeshiyaad gurmad ah oo ka yimid magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay iyo kuwa horay ugu sugnaa degmada Buura-dhuubo ay isku afgaran waayeen qaabkii ay ugu duuli lahaayeen degmada Garbahaaray oo dhowaan ciidanka dowladda KMG kala wareegeen Shabaabka.

Wararka ayaa sheegaya in Shan gaadiid oo ah kuwa dagaalka ay gaareen degmada Baardheere, kuwaasoo ahaa maleeshiyadii gurmadka u timid degmada Buur-dhuubo, iyadoo la sheegay inay ku sii jeedaan magaalada Baydhabo oo markii hore ay ka yimaadeen.

Horjoogayaal ka tirasn maleeshiyada Al Shabaab ayaa sheegay inay wadaan barnaamij ay ku doonayaan inay ku dhameeyaan khilaafka cusub ee ka dhex abuuray maanta maleeshiyada.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”