Laascaanood (RBC) Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in ciidamada booliska Somaliland ee ku sugan magaaladaasi ay maanta qabqabteen dad lagu qiyaasay labaatamneeyo kuwaasoo laga qabtey gudaha iyo hareeraha magaalada.
Hawlgal ay saaka qaadeen ciidamada Somaliland ayaa dadkan lagu so qabtey, waxaana hawlgalkan uu ka dambeeyey kadib markii niman hubeysan xalay maqribkii ay weerar ku qaadeen guriga uu degan yahay taliyaha ciidanka Tarafikada ee gobolka Sool ee maamulka Somaliland Aadan Axmed Ibraahim iyadoo weerarkaasi uu ku dhaawacmay.
Sarkaal maanta u hadlay maamulka Somaliland ayaa sheegay in dadka la soo qabqabtay ay kujiraan dadkii weerarka taliyaha tarafikada geystey siduu hadalka u dhigay, wuxuuna sheegay iny ragga ay xireen ay yihiin 6 ruux oo watay gaari Mark 2 ah.
Hase yeeshee warar madax bannaan ayaa sheegaya in dadka lasoo qabqabtay ay kujiraan dhalinyaro deegaanka u dhalatay oo qaarkood ardey iyo ganacsato yihiin kuwaasi oo lala xiriirinayo inay taageero u hayaan maamulka SSC ee degaanada Sool, Sanaag iyo Ceyn.
Dadka maanta la qabtay ayaa la geeyey xarunta CID-da oo lagu xiray waxaana wararka qaar ay sheegayaan in loo qaadi doono magaalada Burco sida maanta ay RBC Radio u sheegeen dad ku sugan magaalada Laascaanood.
Xaalada amaan ee magaalada Laascaanood ayaa beryahan dambe kacsaneyd iyadoo falal lagu beegsanayo saraakiisha maamulka Somaliland ay ka dhacayeen gudaha magaalada oo kii xalay ugu dambeeyey.
RBC Radio
Dad Fara Badan oo Maanta Lagu Xirxiray Magaalada Laascaanood
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 994 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 567 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 15 Replies
- 779 Views
-
Last post by Digdahab
-
- 6 Replies
- 1439 Views
-
Last post by zingii
-
- 0 Replies
- 9938 Views
-
Last post by EEGA9
-
- 4 Replies
- 770 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 18 Replies
- 2568 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 21 Replies
- 19815 Views
-
Last post by zaahidun
-
- 10 Replies
- 84 Views
-
Last post by Murax