Wefti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Jabuuti U Tagay Mashruuc Maraykanku Ugu Deeqay Somaliland Oo Lagu Horumarinayo Degmooyinka Iyo Gobolada Dalka.
Hargeysa (Ramaas) May 04, 2011 – Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa maanta ka dhoofay madaarka diyaaradaha ee Magaaladda Hargeysa.
Weftigan oo ka kooban ku dhawaad 80 masuul oo isugu jira, Agaasimayaasha wasaaradaha Somaliland, Maayarada caasimadaha gobolada dalka, ayaa la sheegay inay Magaaladda Jabuuti kaga qayb-galayaan shir balaadhan oo hay’adda Maraykanka ee USIAD ugu qabanayso dalkaas, kaas oo lagaga wada hadli doono sida ugu haboon ee loo fulin karo mashruuc horumarinta degmooyinka iyo gobolada Somaliland ah, kaas oo dhawaan Maraykanku ugu deeqay Somaliland.
Shirkan Somaliland iyo hay’adda Maraykanka u qaabilsan caawimada dibada ee USIAD oo sidoo kale ay ka qayb-galayaan qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah, ayaa waxa la sheegay in lagu soo dejin doono istaraatijad uu ku socdo mashruucan horumarinta degmooyinka iyo gobolada Somaliland Maraykanku ugu deeqay.
Dhawaan markii wasiirka arimaha gudaha Somaliland ka soo laabtay safarkiisii gobolada bariga dalka, ayaa waxa uu sheegay in dawlada Maraykanku ugu deeqday mashruucan, sidaas daraadeedna ay Jabuuti u bixi doonaan Arbacada maanta oo ay baxeen.
Agaasimayaasha iyo maayarada weftiga ka mid ah ayaa la doonayaa inay goob-joog u noqdaan sida loogu tallo-galay in mashruucani u socdo, iyaga oo masuul ka noqon doono fulinta mashruucan.
Ramaasnews Desk
Hargeisa.
Shir balaadhan oo hay’adda Maraykanka ee USIAD - Djibouti
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 60 Replies
- 2484 Views
-
Last post by Cirwaaq
-
- 0 Replies
- 323 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 1 Replies
- 296 Views
-
Last post by hanqadh
-
- 0 Replies
- 733 Views
-
Last post by A.A.GULLEID
-
- 0 Replies
- 183 Views
-
Last post by Hydra
-
- 9 Replies
- 642 Views
-
Last post by BlackVelvet
-
- 9 Replies
- 708 Views
-
Last post by JeyR
-
- 2 Replies
- 691 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 279 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 290 Views
-
Last post by MALMAHA