
Waxaaa shir uga socda Magaalada Camman ee dalka Urdun,( JORDAN) wadama hoos taga WHO qaybta ee loo yaqaan EMRO countries oo ay Somalia Xubin ka tahay,
Shirkaas waxaa dawladda Puntland uga qayb galay una matalayaa Somalia Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xasan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka DPL, shirkaas waxaa looga hadlayaa lagana wata tashanahyaa sidii dawladaha carabta lays kaga kaashan lahaa xakamaynta iyo wax ka qabashada cudurada faafa, gaar ahaana kuwa saf marka noqda.

Sidoo kale shirkaan waxaa il gaar ah lagu eegayaa sidiii cudurada faafa loo wajihi lahaa gaar ahaan dadka barakacayaasha iyo qaxootiyada.
Shirkaas waxaa kalmad ka jeediyey Agaasimaha Guud W. Caafimaadka Dr. Cabdirisaaq isaga oo ka war bixiyey guud ahaan xaalada caafimaad ee dalka Somalia gaar ahaan Dawlad puntland , uuna xusay in ay puntalnd tahay meesha ugu haboon ee barakacayasha Somalia dhexdeeda ka soo barakacay wax loogu qaban karo, gaar ahaan caafimaadka, waxa uu ka codsatay dawladihii kasoo qayb galay shirkaas oo gaaraya ilaa 12 dawladood oo ka mid ah dawlada carabta , iyo hayadha caalamiga ah sida hay,adda Caafimaadka Aduunka , ( WHO)in xaalada Somalia si gaar ah loo fiiriyo.
Shirku waa socdaa qodobada soo baxana gadaal ayaan idin la socodsinaynaa