puntland moving refuges east garowe

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

puntland moving refuges east garowe

Post by FBISOMALIA »

Dowladda Hoose ee magaalada Garoowe ayaa maanta bilaawaday howlgalo looga raraayo dadka soo barakacay ee ku jira xeryaha qaxooti ee ku yaala gudaha magaalada Garoowe.

Waxaa howlgalada saaka ay ciidamada ku qaadeen kaamamka Kala ah Laf barkato iyo Waabari oo ku yaala magaalada Garoowe,iyadoona loogu baaqay dadka ku dhaqan xeryahaasi inay u wareegaan dhulal ay Dowlada Hoose ugu deeqday oo ku yaala bariga magaalada Garoowe.

Xoghayaha Dawlada hoose ee magalada Garoowe Qaasim Maxamed Cabdi oo la hadlayey Horseed Media ayaa sheegay in Dowladda Hoose ay dajin doonto barakacayaasha la raray goobo magalada ka baxsan oo ay u dhanyihiin dhamaan adeegyadii guryaha .

Dadka barakacayaasha ee laga raray goobihii ay daganayeen dhankooda ayaa ka cabanaya amarka ay maamulka soosareen waxaana ay kasoo horjeedaan halka ay maamulka urarayaan inkastoo hadlkaasi uu Xoghayaha Dowladda Hoose ee Garoowe ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin .

Talaabada ay qaaday Dowladda Hoose ee magaalada Garoowe ayuu ku sheegay maamulka degmada in ay wax wayn ka badalin dooonto bilicda magalada oo awal ay dhibaato ku hayeen dadka barakacayaasha ee deganaa xeryaha barakacayaasha ee magaalada Garoowe.

Xogahayaha Dowladda Hoose ee Magalada Garoowe ayaa intaasi ku daray in talabadaan socondoonto inta la wada rarayo qoysaska barakacayaasha ee ku sugan xeryaha dadka soo barakacay ee bariga magalada garoowe taasi oo uu sheegay in ay noloshoda wax ka badali doonto.

Talabadaan ay qadayaan Maamulka magalada garoowe ee lagu rarayo dadka Barakacayaasha ayaa kusoo beegmaya xili dhowaan kulan uu dhexmaray maamulka iyo gudiyada dadka soo barakacay ee kusugan Magalada Garowe taasi oo ay qaar ka tirsan barakacayaasha ay soo dhoweeyeen.

Horseed Media
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”