Page 1 of 1

Beelaha Cali Saleebaan Jobooyinka Caleema Saaray Nairobi

Posted: Sun May 08, 2011 4:42 pm
by FBISOMALIA
Image

Nairobi;- Beelaha Cali Saleebaan ku dhaqan Gobolada Jubooyinka ee Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya ku caleema saartay suldaan beshaasi u noqda hogaamiya dhaqameedkooda arimaha beesha looga danbeeyo.
Image
Wax garadka Beelaha Cali Saleebaan gaar ahaan kuwa dhaqan gobolada jubooyinka ayaa maanta xaflad caleema saar suldaan ku qabsaday magaalada nairobi ee xarunta dalka kenya , waxana halkaasi cimaamada lagu saaray oo lagu caleema saaray Suldaan Cali Siciid Cawl oo ay beeshu usoo xulatay suldaanka beelaha cali saleebaan ee ku dhaqan gobolada jubooyinka.

Munaasabadii caleema saarka suldaanka beesha cali saleebaan ee jubooyinka ayaa waxaa kasoo qaybgalay , waxgaradka beesha , aqoonyahanda iyo odayaal dhaqameedka beesha ee kasoo jeeda jubooyinka iyo salaadiin iyo odayaal dhaqameed kale oo iyana kasoo jeeda beelaha kale ee Harti iyo Beesha daarood weyn.
Image
Dr, Axmed Ciise Qaxiye oo mid ah waxgaradka beesha cali saleebaan ee howshan soo abaabushay ayaa halkaasi ka sheegay in Beesha cali saleebaan ee jubooyinka somaliya degta ay soo xulutay suldaana ka dhigatay suldaan cali siciid cawl , isagoo odayaashii dhaqanka ee goobta joogtay oo qabiil kast lahana ka codsaday inay gudoomaan go’anka beesha ee suldaanka cusub.

Dhamaan odayaal dhaqameedkii goobta kasoo qayb galay ee ka kala socday qaybaha kala duwan ee beesha daarood ayaa hadaladooda ku dhuuxay inay si weyn u gudoomeen talada beelaha cali saleebaan ee gobolka jubooyinka , isagoo tibaaxay inay soo dhoweenayaan suldaanka cusub , Cali siciid Cawl oo noqday suldaanka cali saleebaanka jubooyinka.

Waxgaradkii goobta joogay ee hadalada soo dhoweynta suldaanka kasoo jeediyey waxaa ka mid ahaa , Ugaas Maxamud Xuseen Baqow, Ugaas Cumar xiirey,Suldaan Jama xassan , Suldaan maxamud Axmed saalax , xaaji simaaciil xaaji warsame iyo xaaji siciid maxamed xassan, dhamaan wax garadkan ayaa ka tirsan beelaha harti ee kala duwan waxayna halkaasi ku caleema saareen suldaanka cali saleebaan ee jubooyinka Cali Siciid Cawl.

Geba gebadii munaasabada caleema saarka ayaa halkaasi lagu caleema saaray suldaanka cusub ee beelaha cali saleebaan ee jubooyinka suldaan cali siciid cawl , waxaana cimaamada saaray ushana u dhiibay Ugaaas maxamuud xasan baqow oo ugu da’weynaa wax garadkii goobta isugu yimi.

Hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyey suldaanka cali saleebaan ee jubooyinka , Suldaan Cali Siciid Cawlayuu ku sheegay inuu uga mahadcelinayo beeshiisa soo xulushada ay usoo xusheen xilkaan , waxaana uu halkaasi ku ballan qaaday inuu umada somaliyeed oo dhan sida diinta qabto uu ku dhaqi doono , isagoo sheegay in cali saleeban keliya uusan suldaan u ahayne uu suldaan u noqday Somali oo dhan.

Xaflada oo qado sharafteeda wadatay ayaa ahayd mid ay hadalo badan kasoo jeediyeen wax garadka somaliyeed ee goobtaasi isugu yimi waxaana saxaafada loo qaybiyey Nuqulka baaq ay soo saareen Beelaha Harti Meheri iyo Geri kaasi oo kasoo baxay kulan beelahaasi ku yesheen Nairobi oo looga hadlay Masiirka Beesha.

Warkan qoraalka ahaa oo saxaafada loo qaybiyey ayaa lagu cadeeyey in beelaha Harti Meheri iyo Geri sameysteen , Gudoon ,xubno ka mid ah gudoonka iyo gudi fulin kuwaasi oo dhamaantood ka shaqeyn doona Masiirka beelahaasi.

Waxaa qoraakaan nasoo gaarsiiyey

Re: Beelaha Cali Saleebaan Jobooyinka Caleema Saaray Nairobi

Posted: Mon May 09, 2011 12:49 pm
by quark
8-)

Re: Beelaha Cali Saleebaan Jobooyinka Caleema Saaray Nairobi

Posted: Mon May 09, 2011 11:25 pm
by Cirwaaq
:|

Re: Beelaha Cali Saleebaan Jobooyinka Caleema Saaray Nairobi

Posted: Tue May 10, 2011 9:23 am
by udun
Oo saldanadii Jubooyinka miyaan ku kala baxnay? I thought Ugaas Boqow was Ugaaska beesha ee Jubooyinka. I need to be updated.

Re: Beelaha Cali Saleebaan Jobooyinka Caleema Saaray Nairobi

Posted: Tue May 10, 2011 6:07 pm
by FBISOMALIA
udun wrote:Oo saldanadii Jubooyinka miyaan ku kala baxnay? I thought Ugaas Boqow was Ugaaska beesha ee Jubooyinka. I need to be updated.
everyday new ugaas come 8-) :up:

Re: Beelaha Cali Saleebaan Jobooyinka Caleema Saaray Nairobi

Posted: Wed May 11, 2011 9:11 am
by quark
FBISOMALIA wrote:
udun wrote:Oo saldanadii Jubooyinka miyaan ku kala baxnay? I thought Ugaas Boqow was Ugaaska beesha ee Jubooyinka. I need to be updated.
everyday new ugaas come 8-) :up:
:lol: :lol:

Re: Beelaha Cali Saleebaan Jobooyinka Caleema Saaray Nairobi

Posted: Wed May 11, 2011 11:20 am
by udun
Ok mabruuk to the new suldaan :lol: :lol:

Re: Beelaha Cali Saleebaan Jobooyinka Caleema Saaray Nairobi

Posted: Wed May 11, 2011 2:47 pm
by Babygirl-
-

Re: Beelaha Cali Saleebaan Jobooyinka Caleema Saaray Nairobi

Posted: Wed May 11, 2011 2:47 pm
by Babygirl-
udun wrote:Oo saldanadii Jubooyinka miyaan ku kala baxnay? I thought Ugaas Boqow was Ugaaska beesha ee Jubooyinka. I need to be updated.
You are two hundred yrs behind. :lol: :lol: :lol:

Re: Beelaha Cali Saleebaan Jobooyinka Caleema Saaray Nairobi

Posted: Wed May 11, 2011 4:20 pm
by abdalla11
udun wrote:Oo saldanadii Jubooyinka miyaan ku kala baxnay? I thought Ugaas Boqow was Ugaaska beesha ee Jubooyinka. I need to be updated.
Who's Ugaas boqow? I don't think any harti subclan uses Ugaas

Re: Beelaha Cali Saleebaan Jobooyinka Caleema Saaray Nairobi

Posted: Wed May 11, 2011 6:07 pm
by ShirShoore7
Ugaas Maxamuud Ugaas X. Baqow waa suldaanka guud ee beelaha Harti Waamo, he's Dhulbahante.

Re: Beelaha Cali Saleebaan Jobooyinka Caleema Saaray Nairobi

Posted: Wed May 11, 2011 6:31 pm
by damu
Babygirl- wrote:
udun wrote:Oo saldanadii Jubooyinka miyaan ku kala baxnay? I thought Ugaas Boqow was Ugaaska beesha ee Jubooyinka. I need to be updated.
You are two hundred yrs behind. :lol: :lol: :lol:
Ugaas Maxamuud Ugaas X. Baqow waa suldaanka guud ee beelaha Harti Waamo, he's Dhulbahante.
udun is right on this one so the laughs on you :lol: :lol: :lol:


udun the ugaas is still the main isim in jubbooyinka..cali saleebaan just choose a new subclan isim!!

Re: Beelaha Cali Saleebaan Jobooyinka Caleema Saaray Nairobi

Posted: Wed May 11, 2011 7:22 pm
by Monk-of-Mogadishu
Good for them. Although Cali Salebaan are the sissies of Jubboyinka. :down:

Re: Beelaha Cali Saleebaan Jobooyinka Caleema Saaray Nairobi

Posted: Thu May 12, 2011 11:58 am
by FBISOMALIA
Monk-of-Mogadishu wrote:Good for them. Although Cali Salebaan are the sissies of Jubboyinka. :down:
who said cali salebaan sissies in south , bari mayor cali salebaan plus puntland econmoy too so plz know to respect us :roll:

Re: Beelaha Cali Saleebaan Jobooyinka Caleema Saaray Nairobi

Posted: Thu May 12, 2011 12:01 pm
by quark
cali saleebaan :up: