Gudoomiyaha Degmada Xarfo Codsadey In Maamulkiisa La Taagero

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Gudoomiyaha Degmada Xarfo Codsadey In Maamulkiisa La Taagero

Post by FBISOMALIA »

Xarfo (RBC Radio):- Gudoomiyaha degmada Xarfo Mudane C/laahi Faarax Beyle (Takarooni) ayaa maamulka cusub ee gobolka Mudug ka codsadey in maamulkiisa ay la garab istaagaan taageero balaaran oo looga shaqeeyo horumarka degmada Xarfo.

Mudane Beyle ayaa isagoo la hadlayay wafdi balaaran oo Maamulka gobolka Mudug ay horkacayeen oo degmada booqasho ku yimid, waxaa uu jeediyay codsi ku saabsan in la garab qabto maamulka degmada Xarfo si wax weyn uu uga qabto horumarka degmada Xarfo.

Arimaha amaanka ayuu Gudoomiyuhu si weyn uga hadley wuxuuna sheegay in degmada Xarfo ay leedahay hal saldhig ciidan kaasi oo ka kooban laba qol iyo musqul iyo deyr weyn oo ay leeyihiin qolalkaasi, isagoo intaa ku daray in arintaasi ay u anfaceyso si kumeel gaar ah balse aysan ahayn mid lagu sii shaqeyn karo.

Gudoomiyaha Xarfo wuxuu intaa ku daray in degmadu aysan laheyn gaadiid ciidan iyo saldhig balaaran oo ay degmadu u baahan tahay, wuxuuna Taliyaha Booliska Gobolka Mudug iyo Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug uu ka codsadey in degmada la keeno gaari ciidan oo ay boolisku ku shaqeeyaan isla markaana Booliska degmada ka howlgala oo aad u yar tiradooda la soo kordhiyo, lana balaariyo halka Saldhiga u ah degmada Xarfo.

Waxyaabihii kale oo Gudoomiyaha Xarfo uu soo hadal qaadey ee uu codsadey in maamulkiisa laga taageero ayaa ahaa arimaha caafimaadka iyo waxbarashada, wuxuuna maamulka Puntland ugu baaqey in aan laga aamusin horumarka degmada maadaama dakhliga degmada soo gala uu yar yahay sida uu xaqiijiyey Gudoomiyaha Xarfo C/laahi Faarax Beyle (Takarooni).

RBC Radio.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”