Aqoon Iswaydaarsigii Agaasimayaasha Guud Ee Puntland

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Aqoon Iswaydaarsigii Agaasimayaasha Guud Ee Puntland

Post by FBISOMALIA »

Garowe (RBC Radio):- Aqoon iswaydaarsigan oo mudo Sadex cisho ah uga socday Agaasimayaasha Guud ee Dowlada Hoolka shirarka ee Jamacada PSU Garowe ayaa manta si Rasmi ah u soo Gabagaboobay.

Xasan Daahir Maxamuud oo ah sii Hayaha Xilka Agaasimaha Guud ee Hay,ada Astaynta Puntland ayaa ugu Horeyn jeediyey Warbixin kooban oo ku adan wixii ay Barteen Agaasimayaashu,waxaana uu sheegay in wax la taaban karo ay ka Barteen Casharadii 3 maalmood ay dhiganayeen.

Dr, C/wali Xirsi Cabdulle ( Indhoguran ) Wasiirka Wasaarada Shaqada Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland ayaa Gabagabadii Kulanka ka Hadlay wuxuuna yiri
wixii aad Barateen ku Dabakha Shaqadiina & Goobaha aad u shaqaysaan si loo Horumariyo shaqada wasaaradaha puntland.

Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay in Puntland ay ka go’an tahay sidii ay sare ugu qaadi lahayd shaqaalaheeda Goob kasta ha joogaane, Dr, Indhoguran waxaa kaloo uu sheegay in ay dowladu u diyaarisay Agaasimayaasha Tababaro kala duwan oo ay ku jiraan kuwo Gacanta laga Qabanayo oo lagu Qabanayo Magaalada Kampala ee Dalka Uganda ,si loo
helo Agaasimayaal Tayo leh ,waxaana uu soo Xiray tababarka oo ku soo dhamaday Jawi aad u Heer sareeya.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”