Eeyo wax baara oo lagu wareejiyay dowlada KMG

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Eeyo wax baara oo lagu wareejiyay dowlada KMG

Post by FBISOMALIA »

Image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay Eeyo waxbaara iyo saraakiil Soomaali ah oo ay sheegtay in ay ku wareejineyso dowladda KMG Soomaaliya.

Shirkada Bantroft oo fadhigeedu yahay dalka Koofur Afrika islamarkaana laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa maanta soo bandhigtay Labo sarkaal iyo labo Eey oo ay sheegtay in mudo sedax bilood ah lagu tababarayay Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda kuwaasi oo tababarkooda ay gacan ka geysteen Qaramada Midoobay iyo AMISOM islamarkaana Saraakiisha Shirkadu ay sheegeen in lagu wareejinayo dowladda KMG Soomaaliya oo horay u codsatay.

Eeyaha la soo bandhigay oo la sheegay in tababarkooda uu yahay baarista walxaha qarxa ayaa wehliyay labo nin oo Soomaali ah oo si gooni ah loogu soo tababaray islamarkaana wajiga uu u duubnaa kuwaasi oo maanta garoonka diyaaradaha ku soo bandhigay sida walxaha qarxa loo baaro.

Madaxa tababarada Eeyaha ee shirkada Bantroft Mr. Lonisvisagie oo Saxaafada kula hadlay goobta lagu soo bandhigayay saraakiisha iyo Eeyaha tababaran ayaa waxa uu sheegay in ay mudo sedax bilood ah tababarayeen 13 nin oo Soomaali ah iyo Eeyaha la soo bandhigay, isagoo shaaca ka qaaday in 11-ka mid ah raga Soomaalida ahaa ee la tababarayay ay ku guuldareysteen tababarkaasi.

Majirin wax saraakiil ah oo ka tirsan dowladda KMG oo ka soo qeyb galay goobta lagu soo bandhigayay Eeyaha, hase ahaatee saraakiishii shirka soo bandhigtay Eeyaha waxa ay sheegeen in dowladdu ay horay ugu codsatay in loo tababaro Eeyo iyo saraakiil ku xildheer walxaha qarxa.

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”