Khamiis, May 12, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo hadal ka jeediyay kulan uu golaha ammaanka ee UN-ku ka yeeshay arrimaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadda iyo baarlamaanka uu ka dhammaanayo waqtiga marka la gaaro bisha Ogoosto ee sannadkan, iyadoo aanay jiri doonin koox sii joogaysa muddo saddex sano ah.
shacabka Soomaaliyeed iyo beesha calaamka ma aqballi karaan fikirka baarlamanaka oo si cad ugu xad-gud-baya sharciga dalka u dagsan, iyo saddexda sano ee ay sida iskood ah ugu kororsadeen
