Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadaly doorasho dalka ka dhacda iyo maamul goboleedyada soo badanaya
Sabti, May 14, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Max'ed C/llaahi Max'e0d (Farmaajo) oo safar ku jooga dalka Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay maamul goboleedyada dhismaya, isagoo ku tilmaamay kuwo caqabad ku ah nabad dalka ka dhaca, wuxuuna sidoo kale ka hadlay doorasho ka dhacda gudaha dalka oo lagu soo doorto madax cusub.
Mudane Maxamed C/llaahi ayaa hadalladan ka sheegay xaflad soo dhaweyn ah oo ay u sameeyeen habeenkii Jimcaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, oo uu horay ugu noolaa.
"Maamullada dalka kusoo badanaya waxay isugu jiraan faa'iido iyo khasaare, balse waa kuwo ay dano gaar ah ka leeyihiin dowlado shisheeye," ayuu yiri Farmaajo oo sheegay in faa'idada maamul goboleedyada ay tahay mid ku saleysan nidaamka federaalka ah.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in maamul goboleedyadu ay yihiin caqabad hortaagan nabad ka dhalata Soomaaliya, isagoo sheegay in nin walba intii uu qayb ka qaadan lahaa daganaashaha dalka uu ka doorbiday inuu sameysto maamul goboleed uu ka noqdo madaxweyne, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay qorshayaal lagu kala jarayo dalka.
Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay doorasho dalka dhacda taasoo lagu soo xusho madaxda dalka, isagoo daboolka ka qaaday in baarlamaanka hadda jira uusan dooran karin madaxda dalka, loona baahan yahay marka hore in lagu sameeyo dib u habeyn.
"Baarlamaanka hadda jira ma dooran karo madaxda dalka, waayo isaga ayaa u baahan in dib u habeyn lagu sameeyo oo la dhimo tirada 550 xildibaan ah, waayo waxaa bishiina nooga baxda mushaaraadkooda nus malyuun dollar," ayuu yiri Farmaajo.
Hadalka ra'iisul wasaaraha ee ku aaddan doorasho dalka laga qabto ayaa imaanaya iyadoo guddiga doorashada baarlamaanka ay dalka Kenya uga qaybgalayaan tababar ku saabsan habka doorashooyinka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Game Over For Shariif Hassan.
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- zingii
- SomaliNet Super
- Posts: 9937
- Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
- Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.
Game Over For Shariif Hassan.
Last edited by zingii on Sat May 14, 2011 7:07 am, edited 1 time in total.
- zingii
- SomaliNet Super
- Posts: 9937
- Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
- Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.
Game Over For Shariif Hassan.
Politics at its best in recent years.
Dagaalka siyaasadeed yaa ku gulesan doono?
Farmaajo misa Shariif?
qorshaha Farmaajo haduu hirgalo waa (game over) for shariifka.
Afgambis dhicisoobay buu ku dambeen qorshahiisa.
Dagaalka siyaasadeed yaa ku gulesan doono?
Farmaajo misa Shariif?
qorshaha Farmaajo haduu hirgalo waa (game over) for shariifka.
Afgambis dhicisoobay buu ku dambeen qorshahiisa.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 36 Replies
- 2558 Views
-
Last post by abgaalKING
-
- 31 Replies
- 1802 Views
-
Last post by Hyperactive
-
- 5 Replies
- 486 Views
-
Last post by Mondey
-
- 19 Replies
- 992 Views
-
Last post by wagardhac
-
- 20 Replies
- 1080 Views
-
Last post by Mondey
-
- 46 Replies
- 510 Views
-
Last post by afisoone
-
- 5 Replies
- 28 Views
-
Last post by waryaa
-
- 5 Replies
- 967 Views
-
Last post by waryaa
-
- 1 Replies
- 871 Views
-
Last post by guhad122
-
- 46 Replies
- 2706 Views
-
Last post by afisoone