Garowe (RBC Radio):- Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa mowqif adag ka istaagtay Dastuurka cusub ee dowladda FKMG Soomaaliya loo sameeyay kadib kulan dhexmaray wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub dhinac ah iyo Mas’uuliyiinta dowladda Puntland.
Wasiiru dowlaha Dastuurka iyo Arimaha Federaalka dowladda Puntland Mudane Cabdi Xasan Jimcaale ayaa sheegay in xubnaha wafdigaasi oo qaarkood ahaa raggii wax ka qoray dastuurka loo soo sameeyay dowladda FKMG Soomaaliya ay ka wada hadleen sidii deegaanada Puntland looga dhaqan gelin lahaa dastuurka cusub ee dowladda FKMG Soomaaliya.
Mudane Jimcaale ayaa sheegay in Puntland ay go’aan cad oo muuqda ka istaagtey hirgelinta iyo ku dhaqmida Dastuurka cusub ee qabyo qoraalka ah, waxaana Puntland ay muujisay in aysan qaadan doonin Dastuur aysan ku laheyn la tashi, fikir iyo go’aan intaba.
“Ma aha suurta gal in Puntland deegaanadeeda lagu faafiyo waxa aysan raali ka ahayn oo aysan waxba ku laheyn, Puntland hadda waxaa ka jira maamul waad ogtihiin, maamulkaasi wuxuu leeyahay qorshe iyo nidaam ku saleysan Dastuur, waxaan leenahay sharci yaqaano, garsoorayaal, aqoon yahan iyo siyaasiyiin midna waxba laga ma weydiin dastuurka cusub ee dowladda FKMG Soomaaliya, ma muuqato sifo aan u qaadano dastuurkaasi” ayuu hadalkiisa raaciyey Mudane Cabdi Xasan Jimcaale.
Wasiiru dowlaha Dastuurka iyo Arimaha Federaalka Puntland Mudane Jimcaale ayaa sheegay in wafdiga Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ka socday ay ka dhaadhiciyeen in haddii ay doonayaan in Puntland uu dastuurkaasi ka dhaqan galo loo baahan yahay in talo laga siiyo dastuurka cusub isla markaana la iswaafajiyo dastuurka Puntland iyo kan Federaalka si isfahamwaa uusan usoo dhexgelin labada dastuur.
Wafdiga ku howlanaa faafinta dastuurka cusub ee dowladda FKMG Soomaaliya ayaa dhinacooda lagu soo waramayaa in ay muujiyeen in ay ka xun yihiin sida loo hareer maray in Puntland oo ah maamul jira oo ka mid ah maamulada nabaddeed ee Soomaaliya ka dhisan aan waxba lagala tashan arimaha dastuur u sameynta Soomaaliya, waxayna arintaasi ku dhaliileen howlwadeenadii dastuurkii qabyo qoraalka ee la soo daabacay.
RBC Radio.
Puntland Oo Go’aan Adag Ka Qaadatay Dastuurka Cusub TFG
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 354 Views
-
Last post by THE_TRUTH1
-
- 2 Replies
- 553 Views
-
Last post by Cusmano
-
- 4 Replies
- 731 Views
-
Last post by Cinque Mtume
-
- 4 Replies
- 762 Views
-
Last post by damu
-
- 0 Replies
- 492 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 2 Replies
- 804 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 2 Replies
- 609 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 423 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 185 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 19 Replies
- 651 Views
-
Last post by AbdiWahab252