
Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa xaflad aad u heer saraysa oo soo dhawayn ah loogu sameeyay dalka Malaysia oo uu haatan howlo gaar ah u joogo.
Xafladaan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xafiiska jaaliyada reer puntland ay ku leedahay dalka malaysia, waxaana ka soo wada qayb galay dhamaan jaalyadaha Soomaliyeed ee dalka Malaysiya oo dhan iyadoo xafladda soo dhoweynta ay ahayd mid soo wada jiitay dhamaan madaxdii iyo marti sharaftii kasoo qayb gashay xafladaan.
Munaasabada ayaa ku bilaabatay sidii loogu talo galay waxaana daaha ka furay safiirka jaaliyada reer puntland ee Malaysia Ahmed Osman shabiin, oo halkaasi kasoo jeediyay kalmado aad u qiimo badan oo soo wada jiitay dhamaan dadkii kasoo qayb galay xafladaas. isagoo qiray inay dhamaan jaaliyada reer Puntland ee malaysia iyo xafiiskiisaba ay sharaf wayn u ahayd inay madaxwayne ku xigeenka Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire kusoo dhaweeyaan dalka Malaysia.
Waxaa kaloo isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha guud ee jaaliyada somaliyeed ee Malaysia Mudane Prof: Muuse Maxamuud Axmed oo isaguna halkaasi hadalo kasoo jeediyay isagoo xusay isku xirnaanta umada somaliyeed inay tahay waxa ugu muhiimsan ee soo celin kara xasiloonidii guud ee dalka somaliyeed, waxuu kaloo xusay Puntland inay tahay hoygii nabada somaliyeed waxuuna shacabkeeda iyo madaxdeedaba ku booriyay sidii ay xil gaar ah isaga saari lahaayeen xasiloonideeda iyo nabadgalyadeeda. waxaa kaloo iyaguna halkaasi ka hadlay dhakhaatiir iyo aqoonyahan badan oo ay kamid ahaayeen Dr. Sayid Cabdala Xasan iyo prof:Cabdinaasir Shuuriye oo halkaasi hadalo iyo hambalyo u soo jeediyay masuuliyiintii goob jooga ka ahayd xaflada.
Kadib waxaa sascab iyo calamo laruxayay lagu soo dhaweeyay hadalka madaxwayne ku xigeenka oo runtii soo wada jiitay dhamaan dareenka dadwaynihii kasoo qayb galay xaflada isagoo xusay hormarka ay Puntland ku tilaabsatay iyo waliba xaaladaha kala duwan ee isaga iyo maamulkiisu ku guulaysteen inay wax ka qabtaan. waxuu kaloo mahad balaaran u celiyay dhamaan jaaliyada reer Puntland gaar ahaan gudigii soo qaban qaabiyay xafladaan soo dhawaynta ah.
isku soo wada duuboo gaba gabadii xaflada ayaa waxaa jaaliyada reer Malaysiya gudoonsiiyeen madaxwayne ku xigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shiere bilad iyo shahaado sharaf uu ku mutaystay maamul wanaag iyo habacsani la,aan shaqadii loo igmaday ah.