Dhismaha iyo dayactirka terminal bossaso , dib u bilawday

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Dhismaha iyo dayactirka terminal bossaso , dib u bilawday

Post by FBISOMALIA »

Bossaso, May 15 - Dhisme iyo dayactir ayaa ku socda qaybo ka mid ah madaarka Bander Qaasim ee magaalada Bossaso.

Md. Jeeni-gaab oo u waranay idaacada Daljir ayaa sheegay in dibu dhac ku yimi dhismaha iyo dayactirka terminal-ka madaarka Bossaso, taas oo uu sheegay in ay sababtay duruufihii ay sababeen abaarihii ku dhuftay gobollada Puntland.

Maareeyaha madaaraka Bander Qaasim C/qaadir Maxamuud Shabeel 'Jeeni-gaab' ayaa sheegay in hawlaha dhismaha terminal-ku ay dib u bilawdeen, ayna ku rajo weyn yihiin in dhismaha terminal-ka laamiga ahi uu hirgali doono sannadkan.

Md. Jeeni-gaab waxaa uu sheegay in ciidanka badda ee Puntland ay kaalin weyn ka qaadanayaan dhismaha terminal-ka madaaraka Bander Qaasim, Bossaso.

Md. Jeeni-gaab oo ka hadlay sare u qaadida bilicda madaarka ayaa ugu baaqay shacabku in ay kala shaqeeyaan nadaafada, qashinkana aanay ku tuurin madaarka dhexdiisa, balse ku ururiyaan meelaha loogu tala galay.



Quraaradaha cabitaalka iyo bacaha balaastikada ah ayaa uu sheegay in ay yihiin waxyaalaha dhibta ugu badan ay kala kulmaan.

Dawlada hoose ayaa uu ka codsaday in ay ku wacyi-galiso shacabku in ay ilaaliyaan nadaafada guud ee madaarka iyo kan magaalada, loona sameeyo meelo cayiman oo dadku ay qashinka ku uririyaan.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”