
UK: (PP)- Waxaa maalmihii ina soo dhaafay ku joogay dalkan Ingiriiska booqasho Wasiirka Maaliyadda Puntland mudane Faarax Cali Shire, taasoo aheyd casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Puntland ee dalkan ingiriiska. Booqashada wasiirka oo runtii aheyd mid dhaxal gal ah ayuu kula qaatay jaaliyadaha kala duwan ee ku kala nool gobolada dalkan ingiriiska ee kasoo jeeda deegaanada Puntland iyo guud ahaan jaaliyadaha Soomaaliyeed, goobo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Leicester, London iyo kuwo uu si gooni gooni ah ula qaatay dhammaan aqoonyahanda, waxgaradka iyo waliba haweenka reer Puntland ee ku nool dalkan ingiriiska

in the middle of the pic puntland president ex Candidate 2009
Wasiirka oo runtii si faahfaahsan uga warbixiyey xaaladaha dhabta ah ee ka jira dalka iyo waliba doorka qurbo joogta ayaa ay aad ula dhaceen dhammaan dadkii kasoo qeybgalay kulmadaas kala duwan. Waxaa kaloo uu wasiirku warbixino rasmi ah ka soo jeediyay aqalka loo yaqaan Chatam House oo runtii uu ka jeediyay qudbad qayim ah oo uu kaga hadlayey horumarka iyo dhaqaalaha Puntland iyadoo ay warbixintiisu dhageysanayeen aqoonyahano iyo indheergarad ingiriis ah oo ka kala socday jaamacadaha, hay’adaha caalamiga ah iyo waliba dowladda ingiriiska, taasoo ay aad ula dhaceen dhammaan dadkii kasoo qeybgalay Kulankaas. Sidoo kale intii uu joogay London wuxuu la kulmay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha dibadda Ingiriiska, Muslim Aid, African Education Trust iyo hay’ado caalami ah oo ka jira ingiriiska iyo waliba wasaaradaha Ingiriiska.

Xafladii Leicester oo runtii aheyd xafladdii ugu horeysay oo ay Jaaliyaddu dhigto ayaa ka dhacday hallka weyn ee Leicester Exhibition Centre – qolka Blue room taasoo ay kasoo qeyb galeen dad aad u fara baddan oo ka tirsan guud ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolada Midlandiga ee UK. Xafladaas waxaa si wadajir ah u soo wada qaban qaabiyey jaaliyadaha Leicester iyo Birmingham. Xafladdii Leicester ayaa runtii aheyd mid aad u heer sareysa taasoo aan waayahan ka baxeyn xusuusta dadweynihii kasoo qeyb galay iyo madaxdii la casumayba. Waxaa kaloo xafladdii Leicester kasoo qeyb galay High Bailiff of Lord Mayor Leicester oo wakiil ka ahaa mayorka Leicester Cllr Abdulle Osman.

Tii 2aad ee iyaduna taas la mid aheyd ayaa iyaduna waxaa lagu dhigay Hallka shirarka ee South Hall – London taasoo ay iyaduna soo qaban qaabiyeen jaaliyadda reer Puntland ee London. Xafladaas waxaa kaloo lagu casumay wasiir kuxigeenka Caafimaadka ee Puntland.Waxaa sidoo kale in la xuso u baahan in wasiirka maaliyadda ay Jaaliyadda reer Puntland ee London iyo ururka dhalinyarada Isboortiga ee reer Puntlandba ay siiyeen shahaado sharafyo iyagoo ku tilmaamay in Xilligii uu Joogay wasaaradda maaliyadda in uu wax baddan ka qabtay maamulka iyo dhaqaalaha Puntland. Iyagoo qiray kartida, aqoonta iyo daacadnimada wasiirka. Waxay kaloo xuseen in uu dhaqaalaha Puntland gaarsiiyay heerkii ugu wanaagsanaa illaa iyo intuu xilka wasiirnimo hayey.

Waxaa kaloo kulamdaas barbar socday kulamo gooni gooni ah oo uu lakala qaatay aqoonyahanada iyo waxgaradka magaalooyinka Birmingham, Leicester iyo waliba London. Sidoo kale waxaa iyaguna casumado qiimo leh u sameeyay ururka haweenka jaaliyadda Puntland ee UK. Waxaa kaloo uu ku qaabilay magaalada London siyaasiyiin caan ah oo kasoo jeeda deegaanada Puntland iyo kuwo xilal kasoo kala qabtay dowladda federaalka Xilligii madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf.

Waxaa sidoo kale casumad u fidyey ururka samafalka Soomaaliyeed ee Noor Foundation oo fadhigiisu yahay magaalada London, iyagoo sidoo kale uga hanbalyeeyay wasiirka waxqabadka iyo hufnaanta uu muujiyey muddadii uu xilka wasiirnimo hayey.