
Xidhiidhiyaha Gudiga Qaban Qaabada Awdalstate Mudane Cumar Ismaaciil Maxamed ahna Muwaadin reer Awdalstate ah oo Ilahay Hiyabo u Siiyay Furfurnaan iyo Cod karnimo iyo Balaaqad Buuxda , Dadkuna ku Jeclaadeen Sida Hagar la’aanta ah ee u Habeen iyo Maalinba ugu soo Jeedo Dadkisa iyo Degaankisa Awdalstate , wax kastena ugu hormariyo Danaha guud ee Ummadaha Gadabuursi, ahna Calaamad weyn oo astaan u ah Astaamaha iyo udubada Awdalstate ayaa Todobaadadanba Safar Hawleed ku Jooga Wadankasi Malaysia, Halkaasi oo wararka nooga Imanaya ku soo Waramayaan inuu Mudane Cumar la Kulmay Xubno sare sare oo ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibada ee Dalkaasi.
Ilo Xog ogaal ah oo u Dhuun Daloola Arimaha Siyaasada dibada ee Awdalstate ayaa noo xaqiijiyay inuu Masuuliyiinta dalkaasi kawada hadleen arimo khuseeya sidii loo hormarin laha Maamulkan Curdinka ah isla markaani looga caawin laha dhinaca isgaadhsiinta iyo Lacag cusub oo ay yeelato Dawlada awdalstate, waxana masuulintaasi balan qaadeen inay aad ugu faraxsanyihiin inay arkaan Somalia oo mid ah isla markaana Gobal kaste aayihiisa Si madaxbanaan u maamulo , si buuxdana ay Maamulka Awdalstate ula shaqayn doonan iyagoo fiiro gaar ah u yeelan doona arimaha khuseeya Degaanka Awdalstate iyo Xuduudihisaba.
Waxa kale wararku inta ku dareen inay aad u soo dhaweeyeen Xaflada ku dhawaaqida Maamul Gobaleedka awdalstate ee dhawaan ka dhici doonta wadankaasi.
Awdalstate Desk
Malaysia, Kuala Lumpur
Ahmed Muxumad