pland xilkii ka qaaday inka badan 19-Garsoorayaal Maxkamad

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

pland xilkii ka qaaday inka badan 19-Garsoorayaal Maxkamad

Post by FBISOMALIA »

Muqdisho: (Sh. M. Network)Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ayaa xil ka qaadis ku sameeyay in ka badan 19-Garsoorayaal ah oo ka howlgalayay deegaanada uu ka aramiyo Maamulkaasi.



Ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’uud (Faroole) ayaa sheegaya in xilkii laga qa aday ilaa 21- Garsoorayaal oo ka howlgalayay Maxkamado hoostaga Maamulka Puntland.



Arintaani ayaa sida la sheegay ka dambeysay kadib markii maalmihii dambe ay isa soo tarayeen qaylo dhaanta kasoo yeeraysa shacabka ku nool deegaanada Puntland oo ku aadaneyd in qaar ka tirsan Garsoorayaasha ka howlgala deegaanada Puntland ay ka gaabiyeen wax ka qabashada howlihii loo idmiday.



Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’uud (Faroole) oo soo saaray Dikreeto uu xilalka kaga qaadayay 21-gaani Garsoorayaal ee ka howlgalayay Maxkamadaha ku yaala Puntland ayaa ilaa iyo iminka aan loo soo bandhigin Saxaafadda inkastoo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi ay sheegeen in arintaasi ay jirto.



Qaar ka mid ah Garsoorayaasha maanta xilalka laga qaaday oo Idaacadda Shabelle la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in arintaasi ay si aad ah usoo dhawaynayaan islamarkaana loo baahnaa in Madaxweynaha Maamulkaasi uu dhiso Hay’adaha Garsoorka iyo kuwa amniga maadaama mudooyinkii dambe deegaanada Puntland ay ka jireen dhibaatooyin lidi ku ah amniga.



Xil ka qaadista uu ku sameeyay Madaxeynaha Maamul goboleedka Puntland qaar ka mid ah Garsoorayaasha ka howlgalayay Puntland ayaa kusoo beegmaysa xili Madaxweynaha Maamulkaasi uu goob fagaaro ah ka sheegay in uu isku shaandheen ku samaynayo Hay’adaha amniga iyo Garsoorka kuwaasi oo uu tilmamay inay ka dambeeyaan inay liitaan amniga deegaanada uu ka aramiyo Maamulka goboleedka Puntland.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”