Maamulka degmada Laasqoray ka warbixiyay burcadbadeed

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Maamulka degmada Laasqoray ka warbixiyay burcadbadeed

Post by FBISOMALIA »

Maamulka degmada Laasqoray oo ka warbixiyay burcadbadeed la keenay xeebaha degmadaasi

Maamulka degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag ayaa ka hadlay dhalinyaro la sheegay inay ka tirsanyihiin kooxaha burcadbadeeda oo ay dhowaan maraakiibta dagaal ee ka qaybqaadanaya howlgalka la dagaalanka burcadbadeeda ay soo gaarsiiyeen xeebaha degmadaasi.

Gudoomiyha degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag Yuusuf Jaamac Dibad oo u waramayay Horseed Media ayaa sheegay in xeebaha degmada Laasqoray la soo gaarsiiyay dhalinyaro la sheegay inay ka tirsanyihiin burcadbadeeda oo gaaraya 13-qof, waxaana uu sheegay in xiligaan gacanta ay ku hayaan 6-qof halka qaybta kale uu sheegay in la wareegeen ciidamada daraawiishta Puntland ee gobolka Sanaag si’ay u soo gaarsiiyaan xabsiga magaalada Boosaaso.

Yuusuf Jaamac Dibad ayaa sheegay in markabka dagaal ee burcadbadeeda keenay xeebaha Laasqoray ay leeyihiin ciidamada badda ee Midowga Yurub sida ay u sheegeen qaar ka tirsan burcadbadeeda oo ay wareysteen.

“anaga waxaa ay noola muuqataa inay tahay khalad in la keeno xeebahayna, oo waxaa naga soo gaara khasaaro badan oo kharash ayaa nooga baxa” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Laasqoray oo ka jawaabayay su’aal ay Horseed Media weydiisay oo ku saabsan aragtidooda ku wajahan in xeebaha degmada Laasqoray la soo gaarsiiyo dhalinyarada loo soo qabto inay ka tirsanyihiin burcadbadeeda.

Gudoomiyaha degmada Laasqoray Yuusuf Jaamac Dibadda ayaa intaasi ku daray in shacabka degmada ay ka go’antahay inay la dagaalamaan wax kasta oo dhibaato u keenaya bulshada oo uu sheegay inay ka mid tahay burcadbadeeda.

Si kastaba ma’ahan markii ugu horeysay oo ay ciidmada howlgalka la dagaalanka burcadbadeeda ka wada xeebaha Somaliya ay soo gaarsiiyaan dad ay u soo qabteen arimo salka ku haya burcadbadeed.waxaana tani ay imaanayso xilli horay dibadbaxyo looga soo horjeedo burcadbadeeda ay ka dhaceen magaalada Laasqoray.

Horseed Media
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Maamulka degmada Laasqoray ka warbixiyay burcadbadeed

Post by FBISOMALIA »

why every time UN sent south langaab pirates to our lands they are not our citizen let xamar deal them not us :|
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”