Imtixaanka Fasalada 8-aad iyo Form Fourka oo si rasmi

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Imtixaanka Fasalada 8-aad iyo Form Fourka oo si rasmi

Post by FBISOMALIA »

Image

Waxaa si rasmi ah maanta[Sabti] uga bilowday guud ahaan deegaanada Puntland Imtixaanka dugsiyada hoose,dhexe iyo sare oo dhamaantood ah kuwa isku manaahij ah.

Intii aan la bilaabin qaybinta Waraaqaha Imtixaanaadka ayaa guud ahaan ardeyda lagula dardaarmay in ay ka feejignaadaan waxyaabaha ka reeban Imtixaanka ee aan la ogolayn.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Dawladda Puntland Maxamuud Maxamed Idriis oo kormeer ku kala bixiyey Iskuuladda kala ah: Bosaso Public Secondary School,Sheikh Xamdaan binu Raashid,Biyokulule Primary School ayaa Kormeerkiis ka dib wuxuu saxaafada uga warbixiyey tirada guud ee ardeyda maanta u fariistay Imtixaanka sanad dugsiyeedka 2011-2012.

Ardeyda u fariisatay Imtixaanka Form Fourka ee guud ahaan gobolada Puntland ayaa tiro ahaan gaaraya 1524.

S/n Gobol Wiilal Gabdho Wadar
1 Bari : 496 168 664
2 Sanaag : 42 29 71
3 Karkaar : 69 24 93
4 Nugaal : 177 66 243
5 Sool : 22 6 28
6 Cayn : 25 1 26
7 Mudug : 307 92 399
Total =1138 386 1524

Ardeyda u fariisatay Imtixaanka Fasalka 8-aad ayaa Puntland ayaa tiro ahaan gaareysa 4310.

S/n Gobol Wiilal Gabdho Wadar
1 Bari 879 313 1192
2 Sanaag 256 105 361
3 Karkaar 262 142 404
4 Nugaal 694 366 1060
5 Sool 116 34 150
6 Cayn 87 39 126
7 Mudug 666 351 1017
Toyal =2960 =1350 4310

Xarumaha Imtixaanka ee gobol gobol ah

S/n Gobol Imtixaan Dhexe Xarun Imtixaan Sare Total
1 Bari 9 3 12
2 Sanaag 4 4 8
3 Karkaar 4 1 5
4 Nugaal 8 2 10
5 Sool 3 2 5
6 Cayn 1 1 2
7 Mudug 8 2 10
Wadar 37 15 15

Imtixaakan ayaa sidoo kale maanta ay u fariisteen ardayda wax ka barata dugsiyada magaalada Baran,Qardho,Sanaag,Garoowe,iyo Gaalkacyo

Si kastaba ha ahaatee Imtixaanka Fasalada 8-aadka iyo Form Four-ka ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan ay Wasaaradda Waxbarashada Puntland ay mideysay manhajka dugsiyada sare,Imtixaanka Shahaadiga iyo shahaadada dhamaan dugsiyada sare iyo qaar kale.

Jamal Hasan Abdi
Horseed Media
Bosaso,Puntland
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Imtixaanka Fasalada 8-aad iyo Form Fourka oo si rasmi

Post by FBISOMALIA »

good luck for ours students all over puntland :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”