
Garowe: Magaalada Garowe ee Xarunta dowadda Puntland ayaa labo maalmood waxaa ka socday shir ku saabsan Nadaafadda iyo Fayadhawrka kaasi oo ka dhacay hoolka shirarka ee wasaaradda Caafimaadka dowaldda Puntland. Shirkan oo ay Wasaaradda Caafimaadku soo agaasimtey waxaa kasoo qaybgalay Maayarada Magaalooyinka Puntland, Isuduwayaasha Caafimaadka, hay’adaha caalamiga ah ee daneeya barnaamijka Nadaafadda iyo Fayadhowrka iyo wasaaraddaha haweenka iyo Waxbarashada.
Shirkan ku saabsanaa Nadaafadda iyo Fayadhowrka waxaa ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka dowaldda Puntland Dr. C/risaaq Xirsi Xasan waxaana uu agaasimuhu ka waramay sida loogu baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo Nadaafada iyo Fayadhowrka Puntland oo uu sheegay in caafimaadku ku xiran yahay.
Dr. C/risaaq waxa uu mahadcelin usoo jeediyey hay’ada UNICEF oo barnaamijkan gacan weyn ka gaysatey iyadoo uu agaasimuhu cadeeyey in Wasaaradda Caafimaadku ay tahay xiriiriyaha barnaamijka Nadaafadda iyo Fayadhowrka Puntland isagoo intaas ku darey in Madaxwaynaha dowladda Puntland mudane C/raxmaan Faroole uu Wasaaradda Caafimaadka wareegto ugu magacaabay hogaaminta barnaamijka Nadaafada iyo Fayadhowrka ayna xiriirinayso Wasaaraddu Dolwaddaha Hoose, Wasaaraddaha Waxbarashada, Haweenka iyo Hay’adaha.
Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Dr. C/risaaq Xasan Ciise iyo Madaxa Mashruuca Duumada Dr. C/kariim Xuseen Xasan ayaa labaduba soo bandhigay qorshayaasha Wasaaradda Caafimaadka 2-da sano ee soo socota iyo dhibaatooyinka Nadaafad xumadda iyo Fayadhowrka iyo waliba heerarka ay joogaan marka aga hadlayo Puntland. Qorshayaasha Wasaaradda ayaana ergooyinka shirku waxay kala doodeen wasaaradda iyagoo su’aalo waydiinaya Agaasimeyaasha Wasaaradda kuwaas oo iyaguna jawaabo ku haboon ka bixinayay su’aalaha iyo doodahaba.
Wasiir ku xigeenada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Saynab Ugaas Yaasiin oo shirka ka hadashay ayaa u mahadcelisay Wasaaradda Caafimaadka doorkeeda ku wajahan Caafimaadka dalka sidoo kale waxay u mahadcelisay kasoo qaybgalaasha iyo hay’ada UNICEF oo iyadu ah mida barnaaamijkan taageeraysa. Saynab Ugaas Yaasiin waxay sheegtey inay muhiim tahay ka shaqeynta nadaafadda iyo fayadhowrka oo hadaan lehelin waxay sheegtey inaan caafimaad jirin
Shirka waxaa ku sugnaa khuburada UNICEF u Qaabilsan Barnaamijka Nadaafada iyo Fayadhowrka (WASH) kuwaas oo isgu jirey Soomaali iyo Ajaanib waxayna UNICEF soo bandhigtey hababka ugu wanaagsan ee la iskula shaqeyn karayo loona samayn karo nadaafad iyo fayadhowr.
Nancy Balfow iyo Shiva Narian Singh oo labaduba ka tirsan barnaamijka WASH ee hay’ada UNICEF ayaa soo bandhigay aragtiyo ku aadan qaabka wada looga wada shaqeyn karo Nadaafada iyo Fayadhowrka iyagoo u mahadceshay kasoo qaybgalayaasha iyo Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland.
Shirkan oo labo Maalmood socday ayaa ergooyinkii kasoo qaybgalay waxay garawsadeen iskuna raaceen in Nadaafada iyo Fayadhowrku ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo oo wadajir wax looga qabto iyadoo xubin walba ay qaybteeda kaga aadan ay kasoo dhalaasho, sidoo kale meelaha caamka ah sida Isbitaalada, Xarumaha MCH-ka iyo Iskuulada in laga shaqeeyo nadaafadooda iyo fayadhowrkoodaba loona helo musqulo nadaafad leh, meelo biyaha lagu kaydiyo laguna daweeyo biyahaas iyo meelo qashinka lagu aruursho dabadeedna laga qaado laguna soo gubo meel ku haboon in qashinka lagu gubo.
Shirkan waxa uu kusoo aadayaa xili roobaadkii guga waxaana xiliyadan oo kale ay biyaha roobku fariistaan wadooyinka iyo meeaha godan ee magaalooyinka iyo miyiga waxaana waqtigan oo kale biyaha meelaha wasakhda iyo wadooyinka ah gala ka dhasha cuduro ay sababtey nadaafad xumada waxaana isku milma qashinka iyo biyaha markaasna ay ka dilaaci karaan cudurada sida daacuunka, xiligan ayay ergooyinka iyo Wasaaradda Caafimaadku waxay isla garteen in xooga la saaro sidii nadaafada iyo fayadhowrka looga shaqeyn lahaa iyadoo wasaaradda caafimaadka shaqadeedu ay tahay inay Barnaamijka xiriiriso iyo in meelaha biyaha lagu kaydiyo sida baraagaha iyo ceelasha lagu shubo Daawada jeermiska lagula dagaalamo ee Koloriinta.
