Muqdisho: (Sh. M. Network) Janaraal Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in hadii aan la qaban doorashada madaxtinimada Soomaaliya ay soo bixi doonaan madaxweynayaal badan oo isagu uu ugu horeeyo.
Indhacadde waxa uu sheegay in shalay markii uu maqlay in uu fashilmay wadahadalkii Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan uu garwaaqday in iminka ay mudantahay in la qabto doorashada, waxaana uu xusay in xitaa hadii ay heshiin lahaayeen labadaasi masuul la qaban lahaa doorasho madaxtinimo.
Sheekh Yuusuf ayaa waxa uu intaasi ku daray in ay tahay sababtu in uu ilaalinayo sharciga 71 qodob ah ee dastuurka dalka Soomaaliya isagoo carabka ku dhuftay in hadii aan la qaban doorasho uu isagu noqonayo madaxweynaha ugu mudan ee dalka Soomaaliya.
“hadii uu dhumo nidaamkii iyo sharciga nooyaala oo daarashada la diido waxa ay keeneysaa in dalka uu madaxweynayaal badan yeesho, madaxweynayaashaasina aniga ayaa ugu horeeya” ayuu yiri indhacadde
Janaraal Yuusuf Max’ed Siyaad waxa uu beesha caalamka ugu baaqay in ay joojiso waqtiga loogu darayo madaxda dowladda islamarkaana aysan aqbalin waqtiyada ay ku darsanayaan.
“Beesha caalamka waxa laga doonayaa in ay joojiso (waan ku darsaney iyo waa loogu daray) maxaa yeelay iyada ayaa horay noo bartay in aan wax doorano marka doorashada hala qabto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Indhacadde
Ugu dambeyntii waxa uu xusay in isaga ay taageersanyihiin 250 xildhibaan islamarkaana uu noqon karo madaxweynaha sharci ah, isagoo ugu baaqay madaxweyne Shariif iyo Ra’iisul wasaare Farmaajo in ay ogolaadaan doorashooyinka madaxtinimada.





