Buundada Sheerbi oo dib loo furay iyo isu-socodka gaadiidka

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Buundada Sheerbi oo dib loo furay iyo isu-socodka gaadiidka

Post by FBISOMALIA »

Image

Sheerbi, May 22- Buundadii tuulada Sheerbi ee gobolka Karkaar ayaa lagu guulaystay in dib loo hawl-galiyo galabta kaddib markii ay jabtay shalay galinkii hore, taasoo sababtay in uu is-taago isu-socodkii dadka iyo gaadiidka.

Guddoomiyaha Hay'adda waddooyinka Puntland ee NESHA Eng. Xassan Cismaan Cali oo waraysi siiyey idaacadda Daljir ayaa sheegay haatan maritaanka buuntadaasi in ay tahay mid caadi, lana xalliyey cilladdii soo wajahday oo ay sababeen daadadkii ka soo rogmaday roobab deegaankaasi ka da'ay.

Xaaladda ayaa mid caadi ah ku soo laabatay kaddib markii illaa shalay uu taagnaa isu-socodkii dadka iyo gaadiidkii jidkaasi adeegsan jiray, waxaana galabta socdaalkoodii dib u bilaabmay safarraydii u kala jeeday gobollada kala duwan ee Puntland.

Cabdifitaax Cumar Geeddi,
Daljir, Garowe
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Re: Buundada Sheerbi oo dib loo furay iyo isu-socodka gaadii

Post by sheekh-Farax-zero »

That is not sheerbi,,, this picture is KAARIN bridge
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Buundada Sheerbi oo dib loo furay iyo isu-socodka gaadii

Post by FBISOMALIA »

sheekh-Farax-zero wrote:That is not sheerbi,,, this picture is KAARIN bridge
bro as the news says to me any puntland road reparing is good news :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”