
Ra’isul wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaaho iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminaya manta dalka dib uga soo laabtay iyagoo ka qayb gallay shirka QM booqasha kusoo marey gobola kamida Mareykanka.
Ra’isul wasaaraha ayaa kol dhaw ka soo degtay gegida diyaaraha Aadan Cadde waxaana si weyno uga soo dhaweeyey mas’uuliyiin labada golle ee dawlada KMG-Soomaaliya.
Waxaa uu ra’isul wasaaraha ku maqnaa safar dibada ah waxaana in mudda ahna ku sugnaa dalka Mareykanka.
Maxamed Cabdulaahi Farmaaho weli lama uusan hadlin warbaahinta balse waxaa imaanshihiisa waxaa ay ku soo beegmeysaa xilli dagaal qaraar ay dawladiisa kula jirta Xarakada Shabaab.